BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray Qoskii uu Kabaxay Marxuun Waqaf

Hargeysa (Foore)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum-Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) oo ku geeriyooday dalka Malaysia.

Dhambaalka tacsida ah ee u diray qpyskii Marxuum Aadan Waqaf wuxuu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *