BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadii Jimcaha La Tukaday Dadweynaha Gabiley & Dareenkii Dadweynaha

Gabiley (Foore)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa salaadii Jimcaha kula tukaday Boqolaal dadweyne ah Masjidul jaamaca magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabilay.
Madaxweynuhu markii uu salaadii jimcaha laga baxay waxa uu gacan qaadayay oo salaamayay culimada, waxgaradka bulshada ee ku tukanayay masaajid jaamaca magaalada Gabiley.

Madaxweynaha oo aan wadan wax baabuur ciidan ah ama Baabuurtiisa Khaaska ah balse wata Laba gaadhi oo shiciba ah ama Private ah ayaa mar keliya ay dadkii masjidka ku tukanaayey ku baraarugeen iyaga oo markii salaada laga soo baxay isugu soo ururay Barxada weyn ee Masjidka, si ay indhaha uga qaadaan ama ay u rumaystaan in uu madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland isaga oo aan wadan wax ciidan ah ama ilaalo gaar ah marka laga tago 4 Askari oo markaa ka muuqday agagaarka Masjidka uu la tukaday maanta.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Taliyaha ciidanka booliska Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha ciidanka illaalada madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu booqday Dooxa Arabsiyo oo ku soo durkay xabaalo halkaasi ku yaala, waxaanu warbixin kaga dhagaystay halkaasi Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali nuur Sh. Muxumed oo sheegay in dooxu uu ku soo durkay xabaalaha oo uu qaaday xabaalo.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu amar ku bixiyay in laga mooso dooxa xabaalahan, waxaanu tilmaamay inay xukuumaddu ka qeyb qaadan doonto arrintan.
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelisay socdaalkiisan Gabilay waxay isla duhurkiiba dib ugu soo laabteen caasimada Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *