Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Orod yahankii Caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi

Hargeysa (Foore)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay bxafiiskiisa ku qaabilay Orod yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi oo booqasho ku jooga dalka Somaliland.

waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada orodyahankan oo taariikhda orodada caalamka baal dahab ah kaga jira waxaanu xusay in xukuumada uu hogaamiyaa ay mar walba dhiirigelinayso sidii ay ciyaaraha Somaliland u gaadhi lahaayeen maqaamka adduunka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka waramay inay mudadii koobnayd ee hogaaminta
qaranka ay hayeen ay u suuro gashay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland isla markaana ay ka soo baxday dhalinyaro ku firfircoon dhinaca ciyaaraha.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa dhiniciisa Madaxweynaha uga waramay taariikhda orod yahankan oo sannadihii 1987kii ilaa 1989 kii ku guulaystay tartamo tiro badan .

Dhinaca kale, Orod yahankii hore ee Cabdi Bille Cabdi ayaa u mahadceliyay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland soo dhawaynta wanaagsan ee uu kala kulmay isagoo xukuumada ku amaanay tartankii xamaasada lahaa ee ciyaaraha gobolada dalka ee dabayaaqadii bishii December lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Burco kaas oo uu ku tilmaamay talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday isla markaana dhiirigelin u ah sidii da’a yarta Somaliland loogu jihayn lahaa ciyaaraha kala duwan.

Orod yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi ayaa noqonayaa orodyahankii Sadexaad ee booqasho ku yimaada Somaliland iyadoo uu dhawaan caasimada dalka ee Hargaysa uu yimid Orod yahanka caanka ah ee Jaamac Maxamud Aadan “Jaamac Karaaciin” iyo Orodyahanka Moa Faarax, oo sadexduba ka soo jeeda Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *