Search

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo In Uu Soo Saaro Digreetooyin Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Ah, Saamaynta Shirkii KULMIYE, Iyo Mustaqbalka Garabkii Isbahaysiga

Hargeysa-(Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la fulayaa in uu maalmaha soo socda si rasmi ah u soo saaro Digreetooyin Madaxweyne oo iskugu jira Xil k qaadis, magacaabis, iyo isku badal, uu ku samayn doono masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadiisa, iyo qaar ka mid ah hay’adaha dawliga ah.

warkan oo aannu ka soo xiganay shabakadda hadhwanaag waxa uu intaasi ku darayaa in illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow madaxtooyaddu tibaaxayaan in sababta ugu mudan ee ku kalifaya Madaxweynaha in uu soo saaro digreetooyinkan ay ugu muhiimsan tahay maxsuulka ka dhashay saamaynta togan ama taban ee ka dhalatay dildilaaci dhaqdhaqaaqyadii iyo isu guur guurkii ka dhashay loollankii adkaa ee ujeedooyinka kala duwan barkanaa ee soo maray marxaladaha kala duwan ee ka dhex alloosmay masuuliyiinta ka trsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, taas oo uu hirdankiisii uu soo afjarmay shalay oo la soo gabagabeeyay shirweynihii Shannaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, oo maryo dhiig leh lagu kala furtay oo farxad iyo ka biyo diidba ay ku qabileen dhinacyadu, taas oo dibada u soo saartay qeybsannaan si cad hoosta uga xariiqay waxyaabo badan oo marka hore aan la filayn suurtagalnimadooda, sida iscasilaadii Wasiiradii ugu tirada badnnaa ee xukuumadda Axmed Siilaanyo, oo ay ka dhasheen garabkii isbahaysiga musharaxiinta Liddiga ku ahaa musharaxnimada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo ay ku andacoodeen in uu madaxweynuhu soo kala dhawaystay musharaxiinta, taas oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Madaxweynuhu.

Digreetooyinka la filayo in uu Madaxweynu soo saaro ayaa sahayan doonta xillalka masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumada oo si toos ah u cadaystay in aanay taageerin musharaxnimada Muuse Biixi, iyo Saylici, oo ah mushraxiinta uu Madaxweynuhu u codeeyay, taas oo sida la odorosayo uu shiishku ku soo maqan yahay.

Masuuliyiinta la saadaalinayo in ay waayaan xillalka ay hayaan ayaa u badan kuwo mabda’ ahaan taageersan mowqifkii siyaasiga ahaa ee ay qaateen xulafada Wasiiraddii is casilay iyo garabka isbahaysiga musharaxiinta qaadacay shirkii Kulmiye oo is huwan, taas oo calaamatul su’aal saartay in uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka fikiro sidii uu uga fiirsan lahaa xil ka qaadistooda, si uu u suurtageliyo xukuumad si toos ah ula jaanqaada wada shaqaynya xisbiga Kulmiye, iyo Musharaxiinta xisbiga ee dhawaan lagu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE.

Dhinaca kale, waxa si aad ah loo hadal hayaa oo aan weli jawaab loo helin waxa uu ku danbayn doono garabka musharaxiinta isbahaysiga ah ee qaadacay shirkii Kulmiye, iyada oo aanay weli si rasmi ah u kala cadayn in ay ka sii mid ahaanayaan xisbiga Kulmiye, iyo in ay u digo rogan doonaan xisbiyada kale ee mucaaridka ah, mar hadii lagu kala dhaqaaqay siyaasadii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *