Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qarammadda Midoobay

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Dr: Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. “Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirkan labada maalmood ah ee ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Hay’adaha dhinaca ammaanka ee beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan ayuu qodobka hore ee kulanka madaxweynaha iyo wakiilka qaramada midoobay ka wada hadleen”. ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay waraysi kooban siiyay warbaahinta.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaya safarka Mahiga waxa uu intaasi ku daray: “Mr. Mahiga waxa uu ka waramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay qaramada midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Hay’adaha nabadgelyada qaabilsan” ayuu yidhi Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi: “Madaxweynuhu wuxuu uga waramay wakiilka qarrammadda midoobay qorshaha shan sanadoodlaha ah ee ay xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyadda bulshada iyo Hay’adaha amnigaba”.

Dhinaca kale, waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Xukuumadda Somaliland iyo qaramada Midoobay ayaa xidhiidh wada shaqayneed oo mug lihi ka dhaxeeyaa waxaanay qaramada Midoobay wax ka tartaa mashaariic dhawr ah oo ay ka wado Somaliland sida kobcinta dimuquraadiyadda, hawlaha ammaanka sida tayaynta booliska Somaliland iyo arrimo badan oo bani aadamanimo. Qaramada Midoobay ayaa muddo dhawr sano ah waxa ay Somaliland ka waday hawlo lagaga guurayo nidaamkii gargaarka ahaa ee Somaliland lagula macaamili jiray wakhtiyadii dalku burbursanaa waxaana imika loo guuray nidaam horumar oo dalka lagaga hir gelinayo mashaariic dhinaca horumarinta ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *