BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Bashasaabada Gobollada Iyo Maareeyayaasha Hay’daha Dawlada

Hargeysa Isniin, September 11, 2017 (Foore)– Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isku shaandhayn kooban ku sameeyey qaar ka mid ah Badhasaabada Gobolada dalka iyo maareeyayaasha ha’adaha dawladda isaga oo Badhasaabkii Gobolka Awdal ee shaqada laga joojiyey u magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex halka uu Badhasaabkii Gobolka Maroodi Jeexna u wareejiyey Gobolka Awdal. Madaxweynaha Somaliland sidoo kale waxa uu xilkii ka qaaday maareeyihii hay’adda ka hor tagga masiibooyinka ee NERAD Dr. Maxamed Muuse Cawaale isaga oo ka dhigay la taliyaha Maareeyaha NERAD. Halka uu maareeyihii mucaawimooyinka raashinka WFP Siciid Xasan Cabdillaahi, ka dhigay Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland.
War-saxaafadeed shalay galab ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignaa sidan:
“WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)
In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)
Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)
In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)
Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihii Hay’ada mucaawimooyinka WFP)
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *