BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Ballaadhan Oo Xukuumaddiisa Ah Oo Maanta U Safraya Isu-Tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Foore)- Wafti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta la filayaa in ay u ambabaxaan caasimadda wadanka Imaaraadka ee Abu Dabay kadib Martiqaad rasmi ah oo xukuumadda Somaliland ka heshay Umarada dalkaasi Imaaraadka Carabta.
Waftiga Madaxweynaha ee safarkiisan ku wehelin doona ayaa ah Wasiiro iyo saraakiil ka mid ah Golaha Xukuumadda Somaliland kuwaasi oo la filayo in ay maanta Diyaarad Khaas ah ka raacaan Gegida Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa iyaga oo u sii jeeda Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Xubnaha waftiga Madaxweynaha ku wehelin doona safarkiisa waxa ka mid ah Wasiirada Madaxtooyada, Maaliyadda, Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxweynaha, Wasiirka Beeraha iyo xubno kale oo badan kuwaasi oo dhammaantood ka mid noqon doona waftigan ballaadhan ee maanta dalka ka dhoofaya.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda oo ku aadan Ujeedada safarka waftiga Madaxweynaha iyada oo shalay Wafti sare oo Qaramada Midoobay ka tirsani ka soo dagay Madaarka Hargeysa kuna soo beegmay safarkan Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaamin doono. Lama oga Ujeedada Rasmiga ah ee uu safarkan Madaxweynuhu daarran yahay waxaanu sidoo kale safarkani ku soo beegmayaa Iyada oo la filayo in maalmaha soo socda dalka Qatar uu isna u kicitimo Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *