Madaxweyne Siilaanyo, Hogaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Xildhinaanada Golaha Wakiilada Ugu Jira Oo Shalay Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Qasriga Madaxtooyada Isku Haleelay

Jawigii Adkaa Ee Shirka + Dooddii Gaaxsanayd Ee Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanadu Madasha La Yimaadeen + Odayayntii Biixi Iyo Sameele

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay qasriga madaxtooyada waxa uu shir albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay xildhibaanada xisbiga KULMIYE ugu jira golaha wakiilada oo dhinac ah iyo hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo dhinac kale ah, iyada oo shirkan saddex geesoodka ah muddo dhawr saacadood ah goradda la isku galiyey.

Dulucdii shirka:

Ujeedada shirkan ayaan si rasmi ah loo shaacib balse ilo xogogaal ah oo aanu shirkan wax ka waydiinay waxa ay noo sheegeen in madaxweynaha iyo Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo xildhinaabada golaha wakiilada xisbigan ugu jiraan isla jeexjeexeen sidii boodhka looga tumi lahaa xisbiga ee ugu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee foodda inagu soo haya. Taasi oo keentay in dhinacyada shirkan isku waajahay doodo adag ka yeesheen. Dhinaca kale wararka shirkan la xidhiidha ee aanu hellay waxa ay muuijinayaan in qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga KULMIYE madasha ku soo bandhigeen garnaqsi xeel dheer oo ay kula garnaqsadeen madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa. Taasi oo keentay in xildhibaanada qaarkood madasha la yimaadeen dood aad u adag oo dhinacyo badan taabanaysay una badnayd hannaanka wada shaqayneed ee xisbiga KULMIYE, xukuumadda iyo gaar ahaan isku xidhnaan la’aan dhinaca xubnaha xisbiga KULMIYE golaha wakiilada ugu jirta ah.

Dood aad u dheer oo xasaasi ah kadib xildhibaanada KULMIYE iyo masuuliyiinta sarsare ee xisbiga KULMIYE oo dhinac ah iyo xukuumadda ka dhalatay xisbiga ee uu hormoodka ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhinac kale ahi waxa ay iskula qaateen lagama maarmaanimada ay leedahay in dardar hor leh la galiyo hawlaha xisbiga si xisbul muxaafidku u xajisto kaalinta hogaamineed ee siyaasadda dalka uguna diyaar garoobo doorashooyinka dhawaan dalka laga filayo ee golayaasha deegaanka oo uu tartan la gali doono labada xisbi mucaarad ee UCID iyo UDUB iyo waliba ururada siyaasadeed ee dhawaan dalka laga diiwaan galiyay oo dhammaantood ka sakow doorashada golaha deegaanka tartan adag u gali doona buuxinta kaalinta saddexda xisbi ee tobanka sano ee soo socda.

Duruufihii ku Gadaanaa shirka:

Sida aan horeba u soo sheegnay shirkan oo ahaa mid albaabada la isu xidhay oo aan warbaahinta loo ogolayn ayay madaxweyne Siilaanyo iyo xildhibaanada golaha wakiilada qaar ka mid ahi gorada is galiyeen iyada oo garnaqsigii ugu adkaa dhex maray Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo doodoodu aad u adkayd. Taasi oo keentay in wakhtiyada qaarkood shirku galio jawi aad u xasaasiyad badan. Iyada oo doodad xildhibaanada iyo xubnaha KULMIYE u badnayd saluug gaaxsanaa oo ay ka muujiyeen doorka madaxweynuhu siiyay iyo sida aanay sadkii loo baahnaa uga helin magac, hawl galin iyo maamuus ahaan toona iyaga oo isku dhigayay in ay ahaayeen kuwii doorka ugu weyn ku lahaa libintii KULMIYE ku hantay talada dalka.

Waxaase hadba dhinacyada isku soo jiidayay oo dood odaynimo shirka ku gardaadinayay Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hogaaminayay kooxda xildhibaanada xisbiga  iyo Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha xisbul muxaafadka. Garnaqsiga shirkan ku dhex maray dhinacyada ka soo qayb galay ayaa ahaa mid si kasta oo uu markii hore u kacsanaa markii dambe isu badalay in xaaladda la qaboojiyo oo la guda galo danta guud iyo in dhammaan xubnuhu isku meel uga soo wada jeedsadaan sidii loo xaqiijin lahaa himilada shirkan oo lagu sheegay in ay tahay KULMIYE oo si isku duubni ah u hawl gala uguna diyaar garooba doorashooyinka iyo ka lib keenidda marka la isugu yimaad miidaanka siyaasadeed.

Gabagabo:

Ma aha markii ugu horraysay ee shir noocan oo kale ahi qasriga madaxtooyada ku dhex maro hogaanka xisbiga KULMIYE oo xildhibaanadiisa golaha wakiilada wata iyo madaxweyne Siilaanyo. Dabayaaqadii sannnadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii shir noocan oo kale ah madaxweynuhu xisbigiisa ku qaabilay aqalka looga arrimiyo dalka isaga oo wakhtigaasina ajandaha shirkaasi la mid ahaa kan shalay la isku waajahay. Si kastaba ha ahaatee, la sugee halka ay xaajadu ku soo gororto iyo in xisbiga talada hayaa ka dabbaasho duruufaha siyaasadeed iyo kala jabka ku habsaday labada xisbi mucaarad kale ee UDUB iyo UCID mid la mid ah oo dhammaantood garabyo u kala qaybsamay. Lana arkee xisbiga KULMIYE oo lagu xanto baar qabyo mid kastaa dhiniciisa hogaamiye u yahay in uu hanaan wanaagsan oo wada jir ah ku galo doorashooyinka soo socda ee golaha deegaanku ugu soo horreeyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *