BREAKING NEWS
Search

“Madaxweyne Mee Taladii Lagaa Sugayay… Waafi Ma Ahayn Jawaabihii Madaxweynuhu”- Faallo: Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud

Hargeysa, April 12, 2018- (Foore)- Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa faallo kooban oo nuxur badan xambaarsan waxa uu ka bixiyey jawaabihii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka bixiyey waraysi wax lagaga waydiiyey Arrimo badan oo dalka iyo dadka saamayn weyn ku leh oo ku dhex jiray Waraysi uu Madaxweynuhu siiyey Wariye Cabdisalaan Hereri.
Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud oo daba socda qaabka Madaxweynuhu uga jawaabay su’aalo laga waydiiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qabyaaladda, Tahriibta, Dhaqaalaha, Sarrifka Saadka io Arrimo kale kuwaasi oo uu saluugay qaabka Madaxweynuhu uga jawaabay iyo in aanu qaarkood muujin xalkii uu isagu ku furdaamin lahaa dhibaatadaasi taagan.
Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa faalladan waxa uu ku baahiyey Degelka uu ku leeyahay Mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxaanu yidhi:
“Waafi Ma Ahayn Jawaabihii Madaxweynuhu
1. Kala Duwanaansha
“Sidaad wax u arkayso way ka duwan tahay sidaan wax u arkayo”. Taasi, Madaxweyne, ma noqon karto mar-marsiiyo lagaga baxsado gar lagaa leeyahay. Garta teeda qalloocan iyo teeda toosani way kala cad yihiin ee Madaxweynuhu ha talo badsado.
2. Qabyaaladda:
Marka qofku aanu haysan daryeel, ka tolkiisa mooyee mid kale, wuu ku qasban yahay qabyaaladda. Madaxweynuhu wuu taabtay boogtii, inoomuuse sheegin dhaymihii.
3. Waaya-aragga
Su’aasha: Aqoonta iyo Khibraddu waxay wax ka taraan wax-qabadka loo baahan yahay. Madaxweyne, hawl-wadeenada aad dooratay, ee dhalinta u badan, waayo aragnimadii baa ka maqan. Jawaabtii: “Dhalinta waa in saaxadda siyaasadda la soo geliyaa”
Madaxweyne, xaaladda waddanka oo adag, dalku uma baahna dhalin ku bar-barata hoggaankiisa oo la sii ciir-ciirta.
4. Tahriibka
“Haddii nolosho adkaato oo qofkii aanu hayn, xataa, quutal daruurkii, dee waa inuu tahriibaa!”. Waad taabatay ee taladii meeday, Madaxweyne?
5. Dhaqaalaha
“Adhigii wuu istaagay. Qaadkiina waa la cunayaa oo lacag badan baa habeen walba inaga baxaysa”. Madaxweyne marka ay sidaas tahay, ma daamanka ayaynu meer-meerinaa, meeday taladii lagaa sugayay? Ma waxaynu noqonnaa qaran sii dumaya?
6. Sarifka
“Suuqa xorta ahi wax la fahmi karo ma aha. Qofba si buu ku macnaynayaa”. Haddaba, Madaxweyne, Dawladda iyo aqoonyahankeedu hadday fahmi waayaan, ma miskiinka sii bakhtiyaya ayaa fahmi doona suuqa xorta ah? Waa yaab!
7. Saadka
“Waxba lagama sheegi karo Saadka, ilaa aynu helno lacag adag oo ina soo gasha”. Waa yaabe lacagta adag ee Saadku hayo miyaanay teenii ahayn? Yaase inala leh, oo inoo dhiibtay. Dawladse aan lacagta ummaddeeda aan ka war hayni xaggay adduunka ka jirtaa? Haddiise ay lacag adag oo kale ina soo gasho, saw Dawladdii Saadku inoo maamuli mayso?”
Ayuu ku soo gabogabeeyey qoraalkiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *