BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Gabiley

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Madax ka socotay Golayaasha qaranka ayaa shalay Xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Magaalada Gebilay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Socdaalkiisan ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ,Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ,Maareeyaha Xafiiska Samo falka ee Madaxtooyada iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C/laahi Ismaaciil waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo kala ah Laba hool oo lagu soo kordhiyay xarumaha dawlada hoose iyo agoomaha ee magaalada Gebilay,laba fasal oo laga sameeyay Caro tuulka, iyo Jidad laami ah oo laga hirgaliyay magaalada gebilay.

Weftigu waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen Xarunta dawlada hoose oo dayactir balaadhan lagu sameeyay iyo dhismaha Guriga Martida oo laga bilaabay magaalada Gebilay waxaana Mashaariicdaas kala duwan hirgeliyay Maamulka dawlada hoose ee Magaalada Gabilay, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay weftiga Madaxweyne ku xigeenka Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Madaxweyne Ku xigeenka oo dadweynaha ku nool magaalada Gebilay kala hadlay Hoolka shirarka ee dawlada hoose oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay ayaa waramay siyaabaha horumar lagu gaadhi karo oo uu ku sheegay iskaashi mug leh oo dhex mara maamulka dawlada iyo dadweynaha ay u adeegayaan.

Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu xusay in Xukuumada uu Gadhwadeenkeeda ka mid yahay ay ku dadaalayso sidii ay uga wada dhabayn lahayd dhamaanba balan qaadyadii ay ku hanteen codka kalsoonida Shacabka ee taabanayay adeegyada dhaqan dhaqaale ee wadanka. Waxaanu bulshadda gobolka Gabilay u soo jeediyay inay ka qeyb galaan horumarinta dalka.
.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ammaan u soo jeediyay Duqa magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo uu ku tilmaamay qofka udub dhexaadka u ah hirgelinta mashaariicdan uu xadhiga ka jaray.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada gobolka Gabilay ayaa sheegay in shacbiga Gabiley looga fadhiyo sidii ay xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar qabeyaashii sadex qof oo aan waxba galabsan ku dilay deegaanka Seemaal.

Wasiirku wuxuu shacbiga Gabiley u soo jeediyay inay nabadgelyada dalka ka shaqeeyaan isla markaana aanay gacan siin cidii dambi ka gasha qaranimadda Somaliland.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirrada Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muumin Aare,Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday ,Kaluumaysiga Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Maareeyaha Xafiiska Samo falka ee Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ayaa dhamaantoodba ku amaanay maayarka gebilay,maamulka iyo hawl wadeenada dawlada hoose ee muujiyay dadaalka wax ku oolka ah ee ay ku hirgeliyeen Mashaariicdan waxaa kale oo xubnahan golaha wasiirada ahi ugu baaqeen shacbiga gobolkaasi inay Xukuumada kala shaqeeyaan Wax kastoo wiiqi kara nabadgalyada dalka .

Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye iyo Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar ayaa Shahaado sharaf gudoonsiiyay Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Xoghayaha dawlada hoose ee degmadaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *