Search

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo si Balaadhan Loogu soo dhaweeyay Gobolka Gabiley Maalintii labaadna ku guda jira booqashadiisa

Gabiley (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu Hoggaaminayay oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal, ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.
Madaxweyne Ku xigeenka waxa ku soo dhaweeyay Gabiley Wasiirka Warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), Badhasaabka Gabiley Axmed Cali Nuur. Guddoomiyaha degmada Axmed Samir, Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda kaga jira Gobolka Gabiley iyo Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Gabiley, kuwaasi oo ka soo galbiyay duleedka degmada Dilla. Iyadoo dadweynuhuna ay jidadka badhtamaha magaalada Sufuuf u taagnaayeen soo dhawayntiisa.
Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiibr Diiriye Nuur, oo markii madaxweyne Ku xigeenku soo gaadhay degmada Kala-baydh halkaasi warbixin ku siiyay saxaafadda, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland socdaal shaqo ku yimaado gobolkaasi.
“Md. Madaxweyne Ku-xigeen ku soo dhawoow gobolka Gabiley oo aanu caleemo qoyan kugu soo dhaweyneyno. runtii waxaa farxada noo ah inaanu halkan ugu soo dhawyno oo aanu illaa saaka 7:00 subaxnimo kugu sugaynay dadkaa faraha badan waxay u yimaadeen soo dhaweyntaada.
“Waa dadkii aad madaxda u ahayda waa dadkaada ka dhalatey ee ku soo dhawoow,’’ ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa si weyn ugu mahad celiyay madaxda kala duwan iyo dadweynaha gobolka Gabiley ee sida weyn u soo dhaweeyay, waxaanu yidhi
“Runtii aad baan ugu faraxsan nahay sida diiran ee aad ii soo dhaweyseen, waanad ku mahadsan tihiin, haddii aad tihiin maxda degmada, madaxda gobolka,madaxda qaranka ee gobolka ka soo jeeda.”

Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu intaasi ku daray in socdaalkiisa gobolka Gabiley qaadan doono muddo laba maalmood ah.

“Aniga oo u soo qasdiyay inaan booqasho laba maalmood ah ku joogo gobolka Gabiley. waynu iswareysan oo ka wada hadli wixii la qabtey iyo wax dhiman.dhamaan shacabka faraha badan ee I soo dhaweeyay waan u mahad celinayaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu maanta salaadii Jimcaha kula tukaday dadweynaha Gabiley masjid jaamaca weyn ee magaaladda. Waxa kale oo maanta qado-sharaf loogu sameeyay degmadda Arabsiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *