Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Mashruuc 350 Qoys Loogu Dhisayo Guryo

Hargeysa(Foore)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay shalay ka qayb galay bilowga Mashruuc Guryo loogu dhisayo 350 qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee Ku dhaqan Magaalada Hargaysa.

Munaasibad lagu daah furayay Mashruucan Guryaha loogu dhisayo dadka dan yarta ah oo ay Fulinayso Hay’ada UN/HABITAT ayaa waxaa ka faa’iidaysan Doona Sadex boqol iyo Konton Guri oo laga hirgalinayo Xaafada Ayax ee Konfurta magaalada Hargaysa waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaarada Dibu dejinta,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxa Hay’ada HABITAT Cabdi Aadan ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo faa’iidada uu ugu fadhiyo dadka danyarta ah isagoo xusay in hab bakhtiyaanasiib ah loogu qaybiyay dadka degi doona Guryahan.

Wasiirka Dib u dejinta ee Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Sheegay in Mashruucan ay ku deeqday dawlada Jabaan isla markaana ay hirgalinayso hay’ada Un Habitat waxa uu Wasiirku Xusay in Qorshaha loogu talo galay uu ku qotomo sidii ay hoy u heli lahaayeen barakacayaasha ka yimid Xeryaha Qaxoontiga iyo kuwa ku baro kacay dalka gudihiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa u mahadceliyay Dawlada iyo dadka Jabaan ee ay ka timid deeqdan guryaha loogu dhisayo Sadex boqol iyo kontonka Guri waxaa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay hay’ada UN/HABITAT ee Mashruucan fulinaysa doorkeeda la xidhiidha sidii ay beesha caalamka ugu bandhigto baahiyaha barkacayaasha iyo dadka danyarta ah ee dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *