BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Jidad Laami Ah Oo Laga Hirgeliyay Caasimada Hargeysa

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray 10 waddo oo laami ah oo D/Hoose ee Hargeysa ka hirgelisay degmooyinka Gacan-libaax, Ibraahim Koodbuur, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha isku tashiga ee wadooyinkan lagu dhisay oo uu tilmaamay inay ka qeyb qaateen dawlada Hoose iyo dadweynaha degan xaafadaha laga dhisay wadooyinkan cusub.

Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay wax ku darsadaan horumarinta adeegyada bulshada, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa inay wax uun ku darsadaan horumarinta jidadka haddii 40% ku darsadaan taasi qudheedu waa dhiiri gelin xukuumaddani bilowday. Waxaan leeyahay dadka waa in la dareemaa wixii la qabtay.”

Madaxweyne Ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waa in ay dadweynuhu qaybtooda ka qaataan oo is xilqaamaan oo ku darsadaan 40% ,taa qudheedu waa dhiirgelin ka timid xukuumada maanta joogta waa wax aanu ku faanayno , waxa aanu leenahay dadka waa in waxa maanta la qabtay in uu dareemo, ayaa qurux badan ,laakiinse in la dhageysto maaha. Maanta oo kaliya waxa aan furnay 9 KM oo wadooyin laami ah iyo intaas oo kale oo carro tuulkii diyaar yahay oo muddada u hadhay Maayarku wuxuu rabaa in uu taariikh ka tago oo uu dhiso 10km oo kale oo waddooyin ah.”

Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa isaguna ka warbixiyay waddooyinkan, waxaanu tilmaamay in Dawladda Hoose ay 10-kii sanadood ee la soo dhaaftay ka hirgelisay degmooyinka Hargeysa lixdameeye jid oo uu xusay inay iska kaashadeen intooda badan Guddiyada Horumarinta degmooyinka iyo maamulka D/Hoose.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *