BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Ku xigeenka oo xidhay shir goboleedka Haweenka Geeska oo ka socday Hargeysa

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo gabo gabeeyay Shir-madaxeedka Hoggaamiyeyaasha haweenka Geeska Afrika ee G-40, kaasi oo muddo afar maalmood ah uga socday huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa.

Waxa kale oo kulankaasi ka qayb galay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Macdanta iyo Biyaha, Qorshaynt, Diinta iyo Awqaafta,Mas’uuliyiin iyo Madax kala duwan.

shir madaxeedkan oo ay ka qayb qaadanayeen afartan xubnood oo haweena isla markaana ka kala yimid dalalka Ugandha, Koonfurta Sudan,Itoobiya, Ereteriya,Jabuuti,Somalia iyo Somaliland ayaa mudadii uu socday waxay ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa fikrado midho dhal ah oo wax ka tara sidii ay haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaadashada hogaaminta dalalkooda.

Madaxweyne ku xigeenka Somalilnad C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xidhitaankii shirkaas ayaa waxa uu mahad-naq usoo jeediyey dadka iyagu shirka soo qaban qaabiyey, isagoo sheegay inay haween weynaha Somaliland iyo guud ahaan haweenka dunida ay door ballaadhan oo aan la dafiri Karin ka qaateen horumarinta iyo nabadaynta, waxa kale oo uu intaasi ku daray in Somaliland ay tahay waddan muddo 20 sanno ka badan nabdoon oo horumar ballaadhan ku talaabsaday, isagoo gacan muuqata aan ka helin dunnida inteeda kale.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ku ammaanay haweenka Somaliland iyo doorka ay kaga jiraan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo dimuqraadiyadaba.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay sharaf u tahay in ay marti geliso shir caalami ah oo looga tashanayo arrimaha qaaradda Africa.

Guddoomiyahu wuxuu isbarbar dhigna ku sameeyey maqaamka ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Somalia, waxaanu xusay inay Somaliland ku guulaysatay inay midayso ummaddeeda, hirgalisayna doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu ergadii shirkan ka codsanayo inay xaalada Somaliland u gubdiyaan dalalkoodii.

.
Masuuliyiin ka socday ururada qaramada midoobay, IGAD oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay hay’adahoodu uga qayb qaataan horumarinta bulshada geeska afrika iyo guud ahaan dalalka afrikaaanka ah. iyagoo xusay inay dawlada Somaliland horumarka ay gaadhay uu yahay mid mudan in dunida loo bandhigo.
shirkan oo ay qaban qaabisay dalladda haweenka ee NAGAAD ayaa ah shir aan hore noociisa loogu qaban dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *