BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardeydii Ugu Horeysay Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacadda Abaarso Tech

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa shalay ka qayb galay Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey Dufcaddii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Abaarso Tech.

Dufcadan oo ayaa ahayd 13 Ardey, ayaa bartay Xirfadaha Maamulka iyo Ganacsiga, waxana ay qaadanayeen Shiihadda Masterka, isla mar ahaantaasna waxa ay ahaayeen Ardeydii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Abaarso Tech.

Munaasibaddii shihaadooyinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xubno Ka Mid Ah Goloha Wasiiradda, Dhalinyaro Haween, Waalidiin, Ardadyda Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Iyo marti Sharaf Kale.

Ugu horeyn waxa xafladani ka hadashay Marwo Amran Cali Xiis oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee maamulka Jaamacadda Abaarso Tech waxaanay warbixin kooban ka bixisay aas aaskii Jaamacadda, waxana ay Marwo Amran sheegtay inay jaamacadda aasaaseen iyada iyo aqoonyano kale oo ay dalka iyo dibaddiisaba isaga kala yimaadeen
Marwo Caashi Maxamed Nuur oo ka mida aradaydii maanta la Ardeydda ka qalin jabisay Jaamacadda Abaarso Tech oo iyna ka hadashay xafladani ayaa sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay wax barashadan qiimaha leh ee ay shahaadadeedii maanta ka qaadatay Jaamacadda Aabaarso Tech, waxana ka mid ahaa haddaladdeedii “Abaarso Tech waa maxay waxyaabaha ay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale?” waxay kaga duwan tahay aqoontii aad dalalka kale ee dibadaha u doonan lahayd ee caalamiga ahayd ayaad ka helaysaa adiga oo dalkaagii hooyo jooga”

Maamulaha Jaamacaddaasi Mr Jonthen Stars oo ah aas aasaha iyo maalgaliyaha Jaamacaddaasi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ardeydan maanta qalin jabisay ay la tacliin yihiin amba ay ka aqoon sareeyaan ardeydda wax ka barta dalalka kale duwan ee caalamka waxna ka mid ah hadalkiisii “ardaydani waxay awood u leeyihiin mid lamida tan ay leeyihiin ardayda Maraykanka wax ku baratay”

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in ardayan ka qalin jabisay Jaamacadda Abaarso Tech inay yihiin kuwii ugu nasiibka badnaa Somaliland maadaama ay guryahoodii ku heleen Jaaniskii ugu fiicnaa oo aanay cidina hortood qaadan.

Mr Samaale waxaa kale oo uu sheegay inay ka Gole ahaan soo dhaweynayaan inay Jaamacadaha dalku bixiyaan aqoonta noocan oo kale ah “runtii waa farxad weyn inay maanta 13kaasi arday qaadanayaan shahaadooyinkoodii MBA-da iyaga oo guryahoodii iyo shaqooyinkoodiiba ku dhexjira waayo waa dad aan wada garanayo dhamaantoodba” ayuu yidhi Samaaale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo gabagabagdii madashaasi ka jeediyey hadal kooban ayaa sheegay inay maanta farxad weyn u tahay Somaliland oo dhan maadaama ay xafladdani tahay tii nooceeda oo kale ah oo aan horey u soo marin Jaamacadaha dalka kajira.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu intaasi ku daray in ay ka xukuumad ahaan dhiiri galinayaan isla markaana taageerayaan nidaamka waxbarashada noocan oo kale ahi inay dalka ka soo socoto isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa hadalladiisii ka mid ahaa “maanta farxad weyn bay u tahay Somaliland oo dhan maadaama ay 13kaasi dhalinyarada ahi qaadanayaan Masterkii ugu horeeyey ee Somaliland ka hirgalay”

Guntii iyo gunanadkii Madaxweyne ku xigeenku waxa uu halkaas ku gudoonsiiyey shahaadooyinkii Ardeydda.

Si kastaba ha ahaatee Ardeydan ayaa waa ay tiraddoodu ahayd 13 Ardey, waxana wiilal Ahaa 11, Halka Labadda kallena ay ahaayeen Hablo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *