Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb Galay Kulan Loogu Baroor-Diiqayay Abwaan Gaarriye

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne ku xigaynka Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka shalay ka qayb galay kulan loogu baroor diiqayay Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), taas oo lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magalada Hargaysa.

Kulankan waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Wakiilka Somaliland ee Wadanka Norwey, Xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalkaasi iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo uu ku sifeeyay halyay qaran oo qayb libaaxle ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta wadanka, taabo gelinta Nabadgalyo cago adag ku taagan,dhismaha nidaamka dawladnimo ay Somaliland ku naaloonayso,tisqaadka dimuquraadiyada ay Somaliland raacday iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee aynu ku talaabsanay.

Madaxweyne ku xigaynka Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in rabi ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), inuu ahaa shakhsi aan si fudud lagu iloobi Karin isla markaana taariikhda baal dahab ah ka galay.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu Marxuumka Eebe uga baryay inuu naxariistiisa balaadhan ugu deeqo qoyskii iyo Guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *