Search

Madaxweyne Ku-xigeenka Iyo Muuse Biixi Oo Quudhsi Kala Kulmay Ciidamadda Ammaanka Itoobiya

“Madaxweynaha Dawladd Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ku Kaliyaystay Goobti Xaabasha Iyo Madaxdii Somaliland Oo Layska Hortaagay”
Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici ) iyo Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa hantaakhadii ugu horeysay kala kulmay Ciidamadda Ammaanka Itoobiya tan iyo intii loo doortay Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE. Labadan masuul oo ka mid aha Madaxdii ka qayb gashay aas Qaran oo maalintii shalay Magaalada Wajaale loogu sameeyay Wariye Axmed Xasan Cawke, waxay arrin lama filaan ahi la kulantay kadib markii laga soo dareeray salaadi jinaasada loona soo kacay dhinaca Qabriga Marxuumka oo laga qoday daanta shishe ee Magaalada Wajaale oo noqonaysa xuduudka Itoobiya.
Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo dhex lugeeyay laamiga dhex mara Magaaladda iyadoo ay dad badan oo saalada Jinaasada ka soo dareeray daba guurayaan, ayaa Mar kaliya isku dayay inay ku leexdaan dhinaca xaabasha Marxuumka laga qoday oo uu ku sii sugnaa Madaxweynaha dawladd Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar. Balse nasiib darro askarta ammaanka Madaxweynaha dawladd Degaanka Kililka Shanaad sugaysay ayaa is hortaagay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi. Mid kamid ah askarta ammaanka Itoobiya ayaa riixitaan Tukhaan Tukho ah wuxuu u gaystay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, arrintaas oo keentay inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi cod dheer ku qayliyo isagoo askarigii riixay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku leh “Waar ma garanaysaa ninkan aad riixayso waa Madaxweyne ku-xigeenki Somaliland.”
Goobta laga horjoogsaday ayaa ahayd duleedka kaantaroolka xadka Somaliland, halkaas oo looga leexanaayay xaabasha. Markii falkaasi dhacay waxaa si xoog ah u cadhooday Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici isagoo si deg deg ah u fuulayay gaadhiisi oo aan meesha ka dheerayn waxa isna soo raacay Muuse Biixi Cabdi iyo gawaadhidi askarta Somaliland ee ilaalinaysay wateen. Mar danbe ayuu masuuliyiin u soo diray Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Murrashaxa Xisbiga KULMIYE, isagoo ka raali galiyay falka ay la kulmeen oo sababay ammaanka oo aad loo ilaalinaayay. Si kastaba ha ahaate labadan Masuul oo ah kuwa Xisbiga KULMIYE u sharaxay doorashooyinka dalka ka dhici doona waxay dhac dadani u ahayd midii ugu horeysay ee ay ku haftaan ee kala kulanta dalka debaddiisa.
Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *