BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Ka Werwer Qaba In Dadkiisu Dib U Soo Dooran Waayaan Oo Sheegay In Uu Mudalab Hudheel Noqon Doono!!

Madaxweynaha waddanka Bolivia Evo Morales oo ka mid ah Madaxweynayaasha inta badan hadaladooda iyo ficiladoodu xiiso badan galiyaan dadka, warbaahintuna wax badan ka qorto noloshiisa ayaa dhawaan shaaciyey in marka uu dhammaysto muddo xileedkiisa Madaxweyne oo ku beegan 2020 in markaa wixii ka dambeeya uu noqon doono mudalab huteel ka shaqeeya isaga oo isu diyaarinaya inuu dhawaan Maqaaxi yar oo laga cunteeyo ka furto magaalada La Paz oo hore u ahaan jirtay Caasimadda dalkaasi Bolivia balse imika loo badalay Sucre oo ah caasimadda dalkaasi halka ay La Paz tahay magaalada ay deggan yihiin xarumaha dawladdu ahan magaalada ugu dadka badan dalkaasi.
Madaxweyne Evo Morales oo ku caan baxay sida uu uga soo hor jeedo afkaarta reer Galbeedka in bandanna lagu tiriyo in uu ka mid yahay madaxda dhexdhexaadka ah ayaa isaga oo dhawaan u warramay wargeyska lagu magacaabo El Diber Santa Cruz, wargeyska Foorena idiinka soo turjumay ayaa waxa uu u sheegay in uu ka werwersan yahay in uu muddo xileedkiisa saddexaad soo bixi kari waayo sidaa darteed uu door bidayo in marka uu muddo xileedkiisan 2016-2020 dhammaysto uu markaa wixii ka dambeeya iska shaqo tagi doono isaga oo waliba sheegay in uu qaban doono shaqo ay in badani aad u xiiseeyeen lana yaabeen markii ay maqleen oo ah in uu noqon doono nin Mudalab ah (Waiter) oo dadka dalabka cuntada ka qaada oo miiska ugu soo dhiga isaga oo Madaxweyne Evo Morales sheegay in aanu noqon doonin nin dad u shaqeeya ee uu noqon doono nin isagu shaqaysta.
Madaxweynaha xukuma waddanka Bolivia oo ka mid ah dalalka Latin America ku yaalla Evo Morales oo kasoo jeeda dadka hindida cascas ee qaaraddaasi loogu tagay oo waraysigan lala yeeshay lagu waydiiyey in uu ka werwer qabo in shacbiyaddiisu hoos u dhacday ama xisbigiisa Xorriyadda iyo Hantiwadaaga laga guulaysan doono oo dadku naceen ayaa si cadho leh u yidhi: “Ma aaminsani in jacaylka umaddaydu ii qabaan hoos u dhacday balse way dhici kartaa in aanay doonayn in aan mar kale kursiga madaxnimada ku soo noqdo. Dadka oo dhammi waxa ay iska jecel yihiin in wajiyo kale is baddalaan oo ay arkaan nin kale oo kursigan ku fadhiya. Haa, taasi kama xumi haddii aan dareemo in aanay dadku I doonayn in aan sii xukumo waxa aan bannayn doonaa meeshan oo doorashada dambe isa soo taagi maayo waxaanan noqon doonaa nin mudalab ah (Kabaryeeri) oo huteellada dadka cutada kaga iibiya. Waa xirfad aan jecelahay in aan ku shaqaysto mana doonayo in aan noqdo qof ma shaqayste ah. In badan baan dadkayga u shaqeeyey balse Huteel yar baan furanayaa dhawaan. Waxaan idiin sheegayaa in qiimaha saxanka cuntada ahi aanu qaali noqon doonin balse sawirrada macaamiishu ila galayaan qaalli noqon doonto” ayuu yidhi Madaxweyne Evo Morales isaga oo kaftamaya.
Madaxweynahan ayaa la filayaa in uu huteel yar oo kuwa laga cunteeyo ah dhawaan ka furto magaalada La Paz oo hore u ahaan jirtay caasimadda dalkaasi balse imika ah xarunta ay ku yaallaan xarumaha dawladdu ahna magaalada ugu dadka badan dalkaasi Bolivia.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *