Search

“Madaxweyne Ka Aqbal Inta Is-Casishay Oo Waliba Kuwa Aan Is Casilina Kala Dir, Oo Waxaad Soo Dhistaa Xukumad Cusub Oo Aan Ka Badneyn 15 Wasiir” Cabdikariim Axmed Mooge

Hargaysa(Foore)- Wasiir Ku-Xigeenkii Hore ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka Iyo Kalluumaysiga,ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyay inuu ka aqblo Xubnaha Wasiiradda ah ee Is-casilaadooda usoo gudbiyay,isla-markaasna uu inta hadhayna Xillaka ka qaado,soona dhiso Xukuumadda kooban oo tayo leh.

Abdikariim Axmed Mooge,ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBBOOK-ga “Madaxweyne ka aqbal inta is-casishay oo waliba kuwa aan is casilina kala dir, oo waxaad soo dhistaa xukumad cusub oo aan ka badneyn 15 wasiir!!! Tani waa fursad aad ku soo koobi karto xukumaddaada tiro badan!! 15 wasiir oo xulkii iyo miidi ummada ah. 15 wasiir oo aad ku soo xulato amaano, diin, wadaniyad/sl jacayl,dacadnimo,qabyaalad la’aan, karti iyo hufnaan oo yaqaan tashiilka iyo madhxinta misaaniyada.” Ayuu yidhi




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *