BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Geelle Oo Kulan Saacado Qaatay Ku Qaabilay Siilaanyo Iyo Jabuuti Oo Kor U Qaadaysa Xidhiidh Iskaashi Oo Somaliland Dhex Mara

Maadaxweyne Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxay yeesheen kulan socday saacado oo aanay cidina ku wehelin waxaana la sheegay inay labada Hoggaamiye si mug leh u uga wada hadleen xidhiidhada iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka,, Ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo arrimo dhawr ah oo dhammaantood ku soo arooraya danaha labada shacab ee walaalaha ah.

 

 

Waxa kale oo labada Madaxweyne ay ka wada hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii iskaashi ee labada dal kal hore qalinka ku duugeen, kadib markii uu talada dalka qabtay hogaamiyaha Somaliland Md. Siilaanyo, oo wakhtigaasi safar taariikhi ah ku tagay jamhuuriyadda Jabuuti.

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ee ku dhow dhowaa kulankii shalay  waxay intaasi ku darayaan in labada Madaxweyne ay isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen oo dhan, isla markaana guddi wasiirro ah oo ka tirsan labada dal loo xil saaray hirgelinta iskaashiga labada dal iyo wixii ka soo baxay kulankii labada madaxweyne oo daba socday heshiisyo muddo hore labada dal iskula gaadheen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayay wararkani sheegayaan in uu waftiga madaxweynaha Somaliland ku qaabilay maamuuska koowaad ee lagu qaabilo madaxda caalamka isaga oo madaxweyne Siilaanyo kaga hor yimid barxadda hore ee aqalka Umadda una sii galbiyay xafiiskiisa kuna qaabilay maamuus sare oo heer qaranimo ah. Wararkani waxa ay intaasi ku darayaan in xukuumadda Jabuuti ballan qaaday in ay sida ugu dhakhsaha badan u fulin doonto dhinaceeda dhammaan waxyaabaha ay labada madaxweyne ka wada hadleen iyada oo xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti la doonayo in la gaadhsiiyo meeshii ugu sarraysay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo maalin uun ka hor dalkiisa dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalal dibadda ah ayaa la filayaa in uu kor u qaad weyn ku sameeyo xidhiidhka dalkiisu la leeyahay jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ballan qaaday in uu Somaliland kala shaqayn doono dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarinta. Iyada oo dalka Jabuuti ka faa’iidaysanayo xidhiidhada saaxiibtinimo ee uu la leeyahay dalalka Carabta, midawga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba. Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankaasi kadib madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii u sameeyey hadhimo sharafeed labada dhinac isku waajaheen. Waftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta dalak ku soo laabto isaga oo safari kala duwan ku soo maray dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Jabuuti.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *