BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Dunida Caan Ka Ah Oo Ku Hanjabay Inuu Dili Doono Wiilkiisa Curad Iyo Sababta Hanjabaaddiisa!!

Manila, Sept 23, 2017- (Foore)- Dadweyne ku sugan dalka Philippines ayaa ka qayb qaatay mudaaharaad lagu diiddan yahay awaamiirta uu Madaxweynaha waddankaasi Mudane Duterte soo rogay ee muranka badan dhaliyay iyada oo dadka adduunka iyo waliba kuwa dalkaasi aad ula yaabban yihiin awaamiirta qaar ka soo baxay Madaxweynahaasi.
Madaxweynahan 72 jirka ah ayaa xilka la wareegay bishii Juulaay ee sanandkan isaga oo meel adag ka istaagay daroogada iyo dambiyada ka dhaca dalkaasi kuna hanjabay in uu ula dagaalami doono si aan hore looga baran dalkaasi dadkuna hore u arag.
Booliiska iyo shacabka ayuu marar badan ku booriyay in ay dilaan dadka daroogada looga shakiyo, siyaasaddaas ayaa loo arkay in ay ka dhantahay xuquuqda aadanaha, cambaarayn caalami ah ayuuna kala kulmay arrintaasi inkasta oo uu taageero badan ku helay go’aankaasi qallafsan ee uu kula dagaalamayo daroogada iyo dambiyada ka dhaca dalkaasi Filibiin.
Dadka Madaxweyne Duterte ka soo horjeeda ayaa dhaliilay sida cad ee uu ugu hanjabayo inuu dib u soo celin doono xukunkii deg degga ahaa iyo dagaalka ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhanka ah daroogada iyo dambiyada maafiyada ee dalkaasi. Kumannaan ruux oo kale oo mudaaharaadkaas ka soo horjeeda taageerana u muujinaya Madaxweyne Duterte ayaa wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Manila isugu soo baxay iyaga oo muujinaya sida ay u taageersan yihiin go’aanka madaxweynahooda. Wiilka uu dhalay Madaxweyne Duterte oo lagu magacaabo Paolo ayaa wajahaya eedaymo ku saabsan in uu daroogo ka ganacsado waxaanay taasi keenaysaa in aabbihii uu tallaabooyin adag ka qaado haddii dambigaasi lagu helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu xaqiijin doono in la dilo wiilkiisa Paolo haddii la caddeeyo in eedaymahaasi ay run yihiin. “Amarkaygu waa in lagu dilo haddii lagugu helo. Waanan difaaci doonaa booliiskii ku dila, haddii ay rumawdo”. Saxafiyiinta ayuu u sheegay in uu hadalkaas ku yidhi wiilkiisa Paolo.
Wiilkiisa Paolo oo 42 jir ah ayaa senetka ka soo hormuuqday horraantii bishan, wuxuuna ku adkaystay in ku tidhi kuteen iyo haddallo la isla dhexmaray uun ay yihiin eedaymaha sheegaya in uu gacan siiyay markab daroogo ka keenay Shiinaha oo dalka Philippines la geeyay. Wuxuuse ka gaabsaday hanjabaadda aabihii uga timid in uu ka hadlo isaga oo sheegay in uu ixtiraamayo go’aamada adadag ee uu aabbihii kula dagaalamayo daroogada iyo ka ganacsigeeda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *