Search

Madaxweyne Dadkiisa Ugu Dhaartay In Uu Shaarubaha Iska Xiiri Doono Haddii Uu Ku Guul Darraysto Ballan Uu U Qaaday

Madaxweynaha waddanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in uu ciqaab ahaan shaarubihiisa isaga xiiri doono haddii uu ku guul darraysto in uu dadka danyarta ah ee dalkiisa ku nool u dhisi waayo guryo ay degaan inta sannadkan 2015 ka hadhsan isaga oo sheegay in uu diyaariyey qorshe degdeg ah oo dadka danyarta ah loogu dhisayo in ka badan Hal Milyan oo guri haddii uu qorshahaasi ku guul darraystana uu iska xiiri doono shaarubihiisa uu caanka ku yahay in uu la baxo.
Madaxweynaha Wadanka Venezuela Mr. Nicolas Maduro oo ka soo jeeda xisbiga Hanti-wadaagga ah ee dalkaasi oo dhaqan ahaan dadkiisu la baxaan shaarubaha aadna u tixgeliyaan ayaa wacad ku maray haddii uu ballan-qaadkaasi ku fashilmo in uu shaarubihiisa xiiri doono si dadku u arkaan in uu ka soo bixi kari waayay ballan qaad uu u fidiyey balse uu sheegay si aanay taasi u dhicin in uu ciqaabtaasi uu diyaar u yahay in uu oofiyo wacadkii uu hore xisbigiisu ugu maray in uu diyaarin doono ugu yaraan hal Milyan oo guri oo uu u dhisi doono dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha isku raranta ah ee caasimadda Caracas ee wadanka Venezuella oo in badan ka cabanayay hoy la’aan iyo nolol cidhiidhi ah.
Ballan-qaadkan layaabka leh ee uu ku xiiri doono shaarubkiisa ayaa ka dambeeyey markii ay dawladda dalkaasi ka gaabisay in ay dhammays tirto ugu yaraan 4-Milyan oo guri oo uu hore u ballan qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela Hugo Chavez, taasi oo qorshuhu ahaa in uu ku dhammays tirmo dabayaaqada Bisha December ee sannadkan 2015 isaga oo mashruucaasi ballaadhani soo socday tan iyo sannadkii 2010 balse illaa imika ay ka surto gashay in dadka danyarta ah loo dhiso 3 Milyar oo Guri, taasina keentay in Madaxweyne Nicolas shaarubihiisa badka soo dhigo in uu ciqaab ahaan xiiri doono haddii aanay xukuumaddiisu halkaa Milyan ee Guri ku dhammays tirin wax ka yar laba bilood.
“Haddii aanu Guriga ugu dambeeya Halkaa Milyan dhammays tirmin 31-ka Bisha December waxaan umadda u ballan qaadayaa in aan shaarubaha iska xiiri doono, ciqaab ahaan. Si ay umaddu u garato in aan ku guul darraystay wacadkii aan umaddayda la galay ee ahaa in aan u dhammays tiro guryaha ka hadhsan intii uu hore u ballan qaaday Madaxweynihii dalkan ee xukunka iiga horreeyey” ayuu yidhi Madaxweyne Nicolas Maduro.
Waxa xusid mudan in dhaqan ahaan qabiilka uu ka soo jeedo Madaxweynahani ay raggoodu la baxaan shaarubaha iyaga oo aan waligood xiirin balse yar gaabiya marka ay aad u dheeraadaan kaliya taasoo ah dhaqan soo jireen ah oo ay leeyihiin, una arka ninkii shaarubaha iska wada xiira nin dhaqan xun oo aan umaddooda sharaf ku dhex lahayn taasaana keentay in Madaxweyne Nicolas uu nidar ku galo shaaribihiisa oo uu xiirrimaadkooda u arko ceeb weyn iyo arrin fool xun shakhsiyeed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *