BREAKING NEWS
Search

Madaxweyne Caan Ah Oo Xaaskiisa Ugu Hanjabay Furriin Haddii Gurigiisa Lagu Kariyo Cunto Dibadda Laga Soo Dhoofiyey!!

Madaxweynaha waddanka Jeejniya Ramadaan Qaadiroof (Ramzan Kadyrov) ayaa waxa uu mar kale ku celiyey in uu xaaskiisa furi doono haddii uu Gurigiisa ku arko iyada oo lagu karinayo cunto ka mid ah cuntooyinka dibadda laga soo dhoofiyo ee dalkiisa si uu u dhiirri geliyo wax soo saarka dalkiisa iyo in ay dadka dalkaasi cunaan cuntada dalkooda laga beero, halka uu sidoo kale amar ku bixiyay in gabi ahaanba dalkaasi isku filnaansho dhinaca cuntada ah gaadho oo ka maarmo cuntooyinka dibadda looga soo dhoofiyo ee la mid ah kuwa dalkiisa ka baxa.
Inkasta oo uu Madaxweynaha waddanka Jeejniya hore u shaaciyey in uu adkaynayo go’aan adagna ka qaatay cuntooyinka dalkaasi dibadda looga soo dhoofiyo ayaa waxa uu haddana mar kale ku celiyey gooddi adag iyo ballan uu ku qaaday in uu tallaabo kasta oo adag qaadi doono, xataa haddii uu gurigiisa ku arko cunto dibadda laga soo iibiyey oo lagu karinayo in ay taasi sahayan doonto xaaskiisa oo uu sheegay in uu jecel yahay balse haddii ay sharcigaasi fulin waydo ay iska tagi doonto oo uu dalqadaheeda u dhiibi doono.
Sida ay ku soo warramayso wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik oo wargeyska Foore ka soo xigtay maqaalkan, Xaaska Madaxweyne Ramzan oo lagu magacaabo Medni Musaevna ayaa dhoolla caddaysay markii uu Madaxweynuhu hadalkaasi ku dhawaaqayay oo ay kula sugnayd xaflad ballaadhan oo loo qabanayay shirkad dhinaca wax soo saarka ah oo uu xadhiga ka jarayay Madaxweyne Ramzan Kadyrov. Waddanka Shiishaan ama Jeejniya oo ka mid ah dalalkii hore uga go’ay Ruushka ee ka tirsanaan jiray Midawga Soofiyeefi, ahna dal Muslim ah ayaa waxa Madaxweynahan lagu yaqanaa in uu yahay nin adadag oo danta qarankiisa wax walba ka hor mariya waana ta keentay in uu xataa xaaskiisa ama qoyskiisa ugu hanjabo in haddii uu sharciyada uu soo saaray ay u hogaansami waayaan uu birta dhaafin doono.
Madaxweyne Ramzan Kadyrov ayaa xadhiga ka jaray warshad weyn oo dalkaasi laga hir geliyey taasi oo soo saari doonta maalintiiba Kumannaan tan oo Hilib, Macmacaanka sida xalwadaha iyo waxbaayaha laga sameeyo caanaha ah sidoo kalena soo saari karta dhammaan noocyada cuntada ah ee inta badan laga farsameeyo caanaha sida burcadka, subagga iyo caanaha saafiga ah.
“Haddii dalkeenu aannu isku filnaansho dhinaca cuntada ah gaadhin sidee ayaynu u noolaan karnaa?. Ma waxa aynu u shaqaysanaa kaliya dalal kale oo aan lacagteenna siinno oo aan ku casuunno. Maxaynu u shaqaysan la’nahay oo aynu ugu qanci la’ nahay waxa waddankeena ka soo go’a. Haddii ay igu kallifayso inaan xaaskayga ku furo waan furayaa haddii aan gurigayga ku arko cunto dibadda laga keenay oo lagu karinayo. Ma aqbali doono in dalkan lagu isticmaalo cunto la mid ah tan aan soo dhoofsanayno” ayuu yidhi Ramzan Kadyrov sida ay soo warinayso wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik oo warkan baahisay Isniintii aan soo dhaafnay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *