Search

Madaxweyne Caan Ah Oo Mar Kale Aroos Wadareed U Dhigay Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladdiisa, Yuu Farriin U Dirayaa!!?

Madaxweynaha waddanka Suuriya Bashaar Al Asad ayaa mar kale waxa uu ciidamo fara badan oo ka mid ah ciidmada waddankiisa u sameeyey aroos wadareed ballaadhan oo uu hal mar isugu dhisay askar aad u tiro badan iyo haweenkoodii ay calmadeedn kuwaasi oo loo sameeyey xaflad ballaadhan oo ka dhacday Laadaqiya ee dalkaasi Suuriya isaga oo markii labaad sannad gudihii aroos wadareedkaasi u samaynaya ciidamada qalabka sida ee dalkiisa oo dagaalo ba’an in muddo ah ku jira.
Madaxweyne Bashaar Al Asad oo dhibaato weyn soo gaadhsiiyay shacabkiisa reer Suuriya diidayna in uu xukunka ka tago kadib mudaharaadyadii Gu’ga carabta ayaa waxa uu ku adkaystay in uu kursiga fadhiyo taasi oo keentay in gabi ahaanba dalkaasi burburo dagaallo lagu hoobtayna ka dhaceen.
Bashaar Al-Asad ayaa aroos wadareedkan si gaar ah doorkan aroos wadareedka ugu qabtay oo ugu talo galay askarta ku dhaawacantay ee qaarkoodna ku curyaameen dagaalka ay dowladdiisu kula jirto xoogaga ka soo hor jeeda dowladdiisa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay waddankaas.
Munaasibad ballaadhan oo boqollaal qof ka soo qayb galeen oo lagu qabtay Magaalada Ladaqiya ee dalka Syria ayaa la isugu dhisay boqollaal rag ciidamada ka tirsan iyo haweenka ay calmadeen, halkaasoo Askarta arooska loo qabtay ay xidhnaayeen Tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xidhay Taaj ka sameysan Caddaan iyo Calanka dalka Syria oo haweenka caruusadaha ah aad loogu qurxiyey farxad weynina ka muuqatay.
Dadka ka hadlay Munaasabaddan ayaa ujeedada arrintan ku sheegay in shacabka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda, askartii naftooda u hurtayna loo abaal gudo balse dadka kale ee siyaaasadda ninkan dhaliilaa waxa ay ku eedeeyeen in uu ku diganayo dadkiisa baaba’ay isaga oo kolba aroos wadareed uu in gaar ah ka soo xushay uu u qabanayo.
Sannadihii 2013kii iyo 2016 ayay aheyd markii madaxweynaha Syria Bashar Al-Asad uu aroos wadareed u dhigay 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladiisa halka uu markii kalena u dhigay ku dhawaad boqol askari balse kan ugu dambeeyey waxa uu isugu dhisay in ka badan 200 oo ciidamo ah iyo haweenka ay soo guursadeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *