BREAKING NEWS
Search

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Wasiirul dawlaha Arrimaha Nabadeynta Gobolada bari Ee Dalka

Hargeysa (Foorenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay Wasiirul dawlaha nabadeynta ee gobolada Bari.

 

waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha arrimaha Nabadaynta Gob olada bari, kaasi oo loo magacaabay inuu ahaado Md. Keyse Cabdi Yuusuf.


Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada oo u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.”


Foore/Editor General




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *