Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Foorenews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shir la yeeshay Hoggaanka xisbiga tallada haya ee KULMIYE oo ay ka wada hadleen sidii xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa doorashada dawladaha Hoose ee lagu wado inay dalka ka dhacdo 28-ka November 2012-ka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaasi ka dib ka hadlay qodobadii ay madaxweynaha iyo Hoggaanka xisbigu ka wada hadleen, waxaanu tilmaamay inuu ku wajahnaa dar-dar gelinta xisbiga ee doorashada deegaanka.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid la xidhiidhay sidii Guddiyo ka socda Golaha dhexe ee KULMIYE loogu kala diri lahaa gobolada dalka si xisbigu ugu diyaar garoobo doorashada deegaanka. Waxaanu tilmaamay inaanay ka qeyb gelin xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna ka hadlay kulankaasi oo uu tilmaamay inay Madaxweynuhu shir la yeeshay Hoggaanka iyo xubno ka mid ah Golaha dhexe, taasi oo qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka deegaanka.

“Kulankaasi waxa uu ahaa Kulan iska caadi ah oo Hoggaanka KULMIYE ka dalbaday Madaxweynaha, waxaana lagaga hadlay u diyaar garowga xisbiga ee doorashada deegaanka. Hoggaamiyaha Xisbiga KULMIYE-na waa Madaxweynaha waa xisbigiisii, waa xisbigii laga doortay , waa xisbigii uu aasaasay, waana xisbigiisii. Markaa xaq buu u leeyahay inuu la shiro Hoggaankiisa iyo Golihiisa dhexeba,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *