Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Kadis ah ku tagay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa + SAWIRO

Hargeysa (Foorenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka subaxnimadii hore markay saacadu ku beegnayd abaaro 8:00 subaxnimo, kormeer Kedisa ku soo maray xarunta dawlada Hoose oo uu u kuurgalayay habsami u socodka adeega ay bulshada u hayaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ku eegayey hawlaha shaqada ee Dawlada hoose Hargeysa, iyo sida ay shaqadu uga socoto waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.

Madaxweynuhu waxa uu kula kulmay xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa, Mudane Mowliid Weris Cabdilaahi oo isagu ahaa masuulka keliya ee madaxweynuhu kula kulmay xafiiskiisa halka uu ka maqnaa ku simaha Maayarka ahna ku xigeenka Maayarka Caasimada Mudane, Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, iyadoo uu dalka ka maqan yahay maayirka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir, oo isagu socdaal shakhsi ah ugu maqan yahay dalka Ingiriiska.

 

Xoghayaha Dawlada Hoose waxa uu madaxweynaha warbixin kooban ka siiyey sida ay hawlaha dawlada hoose u socdaan iyo waxa u qabsoomay mudooyinkii u danbeeyey gaar ahaan saddex biloodkan danbe


Intaa ka dib waxa uu madaxweynuhu kormeer ku maray Xafiiska Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Kaydka Faylasha, Xafiiska Kala wareejinta Dhulka iyo qabashada lacag qalaad, Xafiiska Waaxda Cashuuraha oo madaxweynaha warbixin dheer ka siisay wixii u qabsoomay Saddex biloodkii u danbeeyey iyo lacagaha u soo xarooday.

 


Madaxweynaha Jamhuuriayda Somaliland waxa kormeerkiisan kediska ah ku wehelinaayey
1. Taliyaha Booliska JSL
2. Taliyaha Ciidanak Ilaalada madaxtooyada JSL
3. Taliye ku xigeenka Asluubta
4. Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex
5. Wasiirka Arrimaha Gudaha
6. Wasiirka Madaxtooyada

7. Protocolka Madaxtooyada




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *