BREAKING NEWS
Search

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Geliyay Xeer Shaqaalaha Iyo Ciidammada Ka Mamnuucaya Siyaasadda

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo xeer lagu mamnuucayo in Ciidammada qalabka sida, shaqaalaha dawladda, Garsoorka, Gudiyada diiwaan gelinta iyo Doorashooyinku aanay ka qeyb gali karin siyaasada isla markaana xubin ka noqon Karin ururada iyo axsaabta siyaasadda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanay wareegtadaasi u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0: 0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.

Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda
Xeer Lr. 14/2011

Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka
Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001

Markuu arkay; Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001

Markuu Tixgeliyey: Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka
Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.

Wuxuu soo Saaray

Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa;
Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *