Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaal Ku Yaala Imaaraadka Ku Booqday Maayarka Hargeysa

Dubai (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ku jooga wadanka Imaaraadka carabta ayaa saaka cisbitaalka Jaziira ee magaalada Abudubai ku Booqday Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo labadii bilood ee u dambeeyay ku jiray cisbitaalkaasi oo lagu dawaynayay.
Madaxweynaha waxa booqashadan ku wehelinayay marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, xubno ka mid ah weftigii Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha DAWAN Media Group Mudane Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo isaguna socdaal ku jooga dalkaasi.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay siyaarada uu ugu yimid, waxaanu sheegay inuu aad ugu farxay Booqashadda weftiga madaxweynuhu ay ugu soo booqdeen waadhka uu ku jiro.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *