BREAKING NEWS
Search

Madaxweynaha Puntland Oo Booqday Askartiisii Ku Dhaawacantay Deegaanka Buura-wadal

Garoowe (Foore)- Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay Cisbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca askar maleeshiyaad ah oo ka tirsan Maamulkiisa Puntland oo gaadhi ciidan uu kula dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool.
Toban askari oo kamid ah maleeshiyaadka uu gaadhigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana uu ka soo gaadhay dhaawacyo kala Duwan. Saraakiisha Caafimaad ee cisbitaalka Garoowe ayaa horjoogaha Puntland warbixin ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaasi maleeshiyada ah, iyagoona sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen. Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii, qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen. Madaxwayne Gaas ayaa sidoo kale mid mid ugu booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe laba iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaadheen shilkaasi dhacay, waxaana uu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibaddiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *