BREAKING NEWS
Search

Madaxweynaha Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray WADDANI Oo Gud/Xigeenkii Sadexaad Shil Ku Geeriyooday

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM, CABDILAAHI SICIID DHEERE oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee urursiyaasadeedka Waddani oo Maanta Shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ku geeriyooday.
Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani ALLA ha u naxariistee CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland,
wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimu-quraadiyada ee Somaliland ka hana qaaday.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *