Search

Madaxweynaha La Doortay Oo Magacaabay Guddi Isugu Dhafan Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Diyaarin Doona Xil-Wareejinta Mudada Xiliga KalaGuurka Ah

Hargeysa, Dec 7, 2017 (Foore)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala Guurka ah oo diyaarin doona hawlaha xil-wareejinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil wareejinta iyo goobta xil-wareejinta.
War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignaa sidan:
“Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee JSL”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *