BREAKING NEWS
Search

Madaxweyna Buurnidiisu Hadal Hayn Badan Dhalisay Oo La Ogaaday Sababta Uu U Naaxay Iyo Dhakhtarkiisa Oo Daaawo Lagu Caataynayo U Soo Saaray

Madaxweynaha Waddanka Woqooyiga Kuuriya Jim Jong Un oo ah hogaamiye dhallinyaro ah oo macangag ah oo aabihii xukunka dalkaasi ka dhaxlay ayaa waxa mar walba hadal ka taagan yahay qaab-dhismeedka jidhkiisa oo ah nin buuran, maalinba maalinta ka dambaysana miisaanka Jidhkiisu sii kordhayo taasi oo xataa keentay in miisaanka jidhkiisa ee weyni ku keenay kaftan siyaasadeed oo madaxda siyaasad ahaan ka soo hor jeeddaa ay dhawr jeer miisaankiisa ku caayeen sida Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhawaan ninkan ku tilmaamay wiil buuran oo aan maskax badnayn.
Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha Miisaanka Jidheed ee Madaxweynaha Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegaya in Miisaankiisu sii kordhay taasina keentay in koox Khubaro ah oo caafimaad oo dalkaasi u dhashay ay soo saareen daawo ay Madaxweynaha ugu talo galeen oo ay ku sheegeen in uu Miisaankiisa ku dhimi karo inkasta oo aanu wali qaadan oo uu diiday in uu daawadaasi qaato.
Warbixin uu arrintan ka diyaariyey wargeyska Daily Star ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, Wargeyska Foorena idiin soo turjumay waxa ay sheegaysaa in Khabiir u dhashay waddanka Woqooyiga Kuuriya oo dhawaan wax laga waydiiyey xaaladda Jidheed iyo Miisaanka xad dhaafka ah ee ku sii kordhaya Madaxweynaha da’da yar ee dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay sirta ka dambaysaa tahay isaga oo markiiisii hore ahaa nin aad u jecel ciyaarta qaadista walxaha culus taasi imikana ay ugu biirtay in uu aad u cuno oo jecel yahay cuntooyinka burcadka iyo dufanka badan leh iyo walba cuntooyinka Macmacaanku ku badan yahay.

Michael Maden oo ah Khabiir falanqeeya kuna takhasusay arimaha waddanka Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in bilba bisha ka dambaysa uu sii naaxayo Madaxweynaha Woqooyiga Kuuriya marka la eego sawirradiisii sannadihii ugu dambeeyeyna aad arkayso miisaanka xad dhaafka ah ee ku sii kordhaya. “Waxa uu ahaa illaa yaraantiisii nin jecel ciyaarta qaadista walxaha culus taasi ayaa keentay in uu yeesho jidh buuran oo muruqyo leh balse imika jidhkiisii ayaa sii naaxay. Waxa uu jecel yahay oo mar walba cunaa cuntooyinka burcadka lagu daray ee dufanku ku badan yahay. Waxa kale oo uu cunaa cuntooyinka macaanka badan leh. Dhakhaatiirtiisa gaarka ahi waxa ay dhawaan soo saareen isku-dar daawooyin dhireed ah oo loogu tala galay in Madaxweynuhu qaato si uu u caatoobo balse wuu diiday oo ma uu qaadan” sidaa waxa yidhi Michael oo la hadlayay wargeyska Daily Star oo wax ka qoray warbixintan xiisaha leh.
Warbaahinta Koonfurta Kuuriya ayaa inta badan miisaanka jidhkiisa ku dacaayadaysa waxaana buurnimada jidhkiisa laga sameeyey filimaan badan oo lagu weeraray qaab dhismeedka jidhkiisa waana ta keentay in uu mar walba Madaxweynuhu aad uga xanaaqo marka uu maqlo cidda wax ka sheegaysa culayska jidhkiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *