BREAKING NEWS
Search

“Madaxwaynuhu Wuu Degan Yahay Ingiriiska, Marti Qaad Rasmiyana Muu Helin, Baadhis Caafimaad Ayuu U Tagey, Umana Malaynayo In Ciddi La Kulmayso…….”Xildhibaan Xoog

Hargeysa(Foore)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac “Xoog” oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kana tirsan xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay safarka uu madaxwaynuhu ku tagay dalka ingiriiska ,waxaanuu sheegay inaan madaxwaynuhu marti qaad rasmi ah kuu tagin dalkaas balse uu xaalad caafimaad u tagay dalka ingiriiska.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland ,isbahaysiga KULMIYE ee kusoo biirey WADDANI iyo qoodb kale,isaga oo ugu horeyn ka hadlaya socdaalka madaxwaynaha waxa uu yidhi
“Madaxwaynuhu wuu dagan yahay wadanka ingiriiska,marti qaad rasmiyana muu helin,markii uu ka dagay madaarkana dadka waa laga qariyay,dadkii doonayay inay soo dhaweeyaan asqo ayaa loo qaybiyay oo waxa la geeyey meel kale,markaas odaygu meesha waa dagan yahay dhakhtarkiisuna waa joogaa oo meesha wuu iska soo eegaa oo is baadhid caafimaad ayuu odaygu u tagay meesha ayaa la igu yidhi oo marti qaad rasmiyana kamuu helin ,waji uma yaalo beesha caalamka KULMIYE iyo xukuumaddan oo waa kuwii aflagaadaynayay ee gambadhka ugu soo fadhiistay ee u tirinayay beesha caalamka ,dhabarka ayaa losoo jeediyay oo u malayn mayo inay cidi lal kulmayso,marti qaad rasmiya iska daayoo hadii aan la xidh xidhin way sahlan yihiin”sidaas ayuu yidhi xildhibaan Xoog
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlayay saldhiga malateri ee la sheegay inay xukuumaddani imaaraadka ka siinayso berbera ayaa waxa uu yidhi.
“Anigu lama yaabayoo hadii laygu yidhaahdo xukuumaddan KULMIYE madaxtooyadii ayay iibisay,waayo ilaa qanjaafulaha ayay cunayaan ilaa boqnaha ayay calaashanayaan,sababtoo ah waxay marayaan inay iibiyaan in ku dhaw Kun guri oo ingiriisku inoo dhisay,markaa maaha wax la qariibsado hadii la yidhaahdo madaarkiibaa la iibiyay balse anigu ma xaqiijin karo”
Xildhibaan xoog mar uu ka hadlayay isbahaysiga kusoo biirey xisbiga WADDANI ayaa waxa uu yidhi
“Isbahaysigu xisbiga WADDANI waxay kusoo kordhiyaan miisaan Culus,isbahaysiguna waa xukuumaddii Siilaanyo kala badhkeed oo is casilay oo leh wasiiro,wasiiro ku xigeen iyo agaasimayaal shakina kuma jiro in miisaan culus,khibrad,waayo-aragnimo iyo cod intaba kusoo kordhinayaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *