BREAKING NEWS
Search

Madaxwayne Siilaanyo Oo Furay Mashruucii Ugu Cuslaa Ee Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Oo Ka Socda Deegaanka Biyo Shiinaha Iyo Khudbadii Uu Ka Jeediyay.

Hargeysa(Foore) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Shalay kormeer ku tagay Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada hargeysa, waxaana Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, qaar ka mid ah Saraakiisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka ay yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta waxaana halkaasi warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis,kana war bixiyey agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Caasimada hargeysa iyo qaabka ay hawshu u socoto, sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha indheeyey, Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo sarkaal ka socday Hay’addaha UN-ka oo isna sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u socoto hawsha biyo balaadhintu.
Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo isla Shalay lagu qabtay Huteel Maansoor Hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadii uu halkaasi ka jeediyay “Mudanayaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.
Sidoo kale waxa uu yidhi “Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu manta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).Waxaa kaloo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono”.
Waxa uu Madaxweynuhu Khudbadiisa ku soo koobay sidan “Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, anagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo” Ayuu ku soo gabagabeeyay khudbadiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *