Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Uganda U Duulay Iyo Madax-dhaqameedka Salal Oo Ku Eedeeyay Inuu Musuqmaasuqay Cod-bixintii Lughaya, Kaligiina 7 Jeer Coddeeyay

Berbera (Foore)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay u baxay dalka Uganda oo uu kaga qayb-galayo shir sanadkiiba hal mar la qabto.

Madaxwayne ku xigeenka oo galabnimadii maanta ka dhoofay Madaarka diyaaradaha Berbera ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, iyagga oo ka wadda qayb-galayo shirkaasi oo lagaga hadlayo Maamul Wanaaga.

Madaxwayne ku xigeenka iyo Maayarka Caasimadda ayaa warbaahinta u sheegay inay shirkaasi oo Somaliland lagu casuumay jeedin doonaan khudbado ku aadan Maamul wanaag uu sheegay inuu Somaliland ka jiro.

Safarka Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya xili Gobolka Salal ay ka soo yeedhayaan Cabashooyin ka dhan ah isaga, kuwaasi oo la xidhiidha cod-bixintii doorashadda oo ay sheegeen in Madaxwayne ku xigeenku musumaasuqay codadkii beesha Ciise ee ka soo baxay Lughaya.

Madax-dhaqameed iyo odayaal maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Gaarisa, ayaa Madaxwayne Siilaanyo ka codsaday inuu arintaasi wax ka qabto, haddii natiijadda halkaasi ka soo baxday wax laga qaban waayana ay ka tashanayaan wixii ay yeeli lahaayeen “Wali lama arag oo lama maqal wax laba qabiil u kala dhiga laba Sanduuq, oo marka dambena yidhaahda reer Hebelow Sanduuqaagu Lambarkaasi ma lahayn, waxa la heli karaa 7 meelood oo uu ka coddeeyay isaga oo Madaxwayne ku xigeen ah oo xaq daro ah”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *