BREAKING NEWS
Search

Madaxwaynaha Somaliland Oo Goor Dhawayd Safar Ugu Ambabaxay Dalka Turkiga

Hargaysa(Foore)-madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhawayd u amabaxay socdaal uu ku tagayo wadamada turkiga iyo qadar iyadaoo la filayo in uu la kulmo madaxda labadaa dal.

Waxaa safarka madaxwayne siilaanyo kasii horay oo usii gogal xaadhayay qaar kamid ah golaha wasiirada kuwaas oo hadda ku sugan turkiga.

Iyadoo madaxwayne siilaanyo uu hore uga nagaaday safarkan oo uu ku bixi lahaa, safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee madaxwaynaha Somaliland uu ku tago dalkaa turkiga.

Kamaal Ismail Adam

Foorenews.com

Hargaysa/Somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *