Madaxtooyada Somaliland Oo Si Gaar Ah Isha Ugu Haysa Masuuliyiin Kale Oo La Sheegay Inay Xukuumadda Iska Casilayaan Dhawaan Iyo Kuwo Hore Oo Xilka Laga Qaaday Intaanay Is Casilin

Hargeysa, October 28, 2017, (Foore)- Madaxtooyadda Somaliland ayaa isha ku haysa,lana socota dhaq dhaqaaqooda Masuuliyiin badan oo la sheegay inay qorshaynayaan inay iska Casilaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxaana sidoo kale la sheegay in Xukuumaddu qorshaynayso inay dhinaceeda xilka ka qaado Masuul kasta oo looga shakiyo arimahaasi.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay Qasriga Madaxtooyadda ayaa noo xaqiijiyay inay Madaxtooyaddu maalmihii u dambeeyay ku mashquulsan tahay sidii ay uga hortagi lahayd Masuuliyiintan la sheegay inay tiro badan yihiin islamarkaana ay qorshaynayaan inay wakhtiga yar ee u hadhay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casilaan,waxaana la sheegay inay masuuiyiintani u badan yihiin kuwo qaatay mabda’a Axsaabta Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga WADDANI,kuwaasi oo hordhacoodii todobaadkan iska casileen halka kuwa kalena laga il horeeyay islamarkaana xilkii laga qaaday ka hor intaanay ku dhawaaqin iscasiladooda.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Kooxdan ay ka mid ahaayeen Agaasimihii hore Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Doraad iscasilay,Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi Jeex Mustafe Shiine oo sida la sheegay ay Madaxtooyaddu ka il horaysay islamarkaana uu Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday islamarkiibana masuul Cusub xilkaasi u magacaabay,waxa kale oo la sheegay inay ka mid ahaan masuuliyiintii kale ee iyaguna todobaadkii hore iscasilay,waxaanay sida la sheegay Madaxtooyaddu libin laabtay dhaq dhaqaaqa ay kula socoto masuuliyiin la sheegay in looga shakisan yahay inay Xilka iska casilaan kuwaasi oo doonaya inay iyagoo koox ah mar qudha ku wada dhawaaqaan Iscasilaadooda si ay u fushadaan qorshe ay doonayaan inay ku wiiqaan awooda Xukuumadda iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye ee dhinaca Ololaha Doorashada Madaxtooyadda oo dalka ka socota.
Loolanka Xisbiyada Siyaasada Somaliland ee Tartanka Madaxtooyadda ayaa meel adag maraya waxaanu mid waliba dhinaciisa ka raadsanaa inuu hanto isha Shacabka Somaliland isagoo mid waliba ka kale uu ka soo jeedinayo masuuliyiin culus oo uu ka soo fujisto. Saacadahan oo kale waxa caado noqotay in ay xubno badani xisbiyada isaga kala wareegaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *