Search

Madaxii Maaliyadda Kooxda Nabadiidka Ah Ee Suldaan Wabar Oo Sirdoonka Qaranka Somaliland Ku Soo Qabteen Degmada Wajaaale

“Ninkan Oo Muddo Ciidamadu Daba Socdeen Ayaa Ka Aag Badeshay Huteelkii Ay Sirdoonku Ku Ogaadeen Kadibna Laga Soo Qabtay Isagoo Ku Sugan Meherad Ganacsi”.

Hargeysa (Foore) – Madaxiii Maaliyadda Kooxda Falaagada Gobolka Awdal ee uu Hogaamiyo Suldaan Wabar ayay ciidamada Sirdoonka Somaliland Salaasadii Todobaadkii Hore ku soo qabteen Magaalo Xuduudeeda Wajaale, waxaana sida la sheegay loo soo dhaadhiciyay Magaalada Hargeysa.
Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u Xaqiijiyeen Wargeyska FOORE, Habeenimadii Salaasadii Todobaadkii hore ayay ciidamada Sirdoonka Somaliland ninkan ka soo qabteen Magaalada Wajaale isagoo sida la sheegay wakhtigaasi ku dhex sugnaa magaaladaasi balse lama sheegin in cid lala qabtay iyo inkale, isla habeenimadii la qabtayba waxa loo soo dhaadhiciyay Hargeysa oo uu ilaa imika ku xidhan yahay.Dad Goobjoog u ahaa dhacdadan iyo sidii ninkan loo qabtay oo wargeyska Foore faah faahin ka siiyay ayaa sheegay in Sirdoonka Somaliland mudo ku raad joogeen ninkan soo qabashadii islamarkaana ay Habeenimadii Salaasadii hore ay ciidamado dul dhigeen Huteelka uu ninkani ka seexanayay Magaalada Wajaale.
Waxa ay noo sheegeen in markii uu iman waayay Huteelkii uu seexanayay ee Wajaale illaa saqdii dhexe oo ay ku qiyaaseen inay Saacadu ahayd Abaaro ilaa 12:00kii Habeenimo inay baadhis kale galeen Ciidanka Sirdoonku islamarkaana ay soo ogaadeen inuu u guuray oo uu seexday Bakhaar ku yaala isla magaalada Wajaale,waxaanay Sirdoonku Ciidamo bilays ah dul dhigeen isla Bakhaarkii ay xogta ku heleen inuu Hutaalka uga guuray,halkaasi oo ay habeenkii oo dhan gaadh kaga hayeen,waxay goobjoogayaashani noo xaqiijiyeen in Abaaro 7:00 Subaxnimo uu ninkaasi ka soo baxay bakhaarkaasi islamarkaana isaga oo ku hor Fooldhaqanaya ay gacanta ku dhigeen ciidankii loo sii diyaariyay, waxa ay noo sheegeen in ninkaasi loo kaxeeyay Xaga Saldhiga Bilayska Wajaale,iyadoo isla Aroortiina loo soo dhaadhiciyay Magaalada Hargeysa oo uu illaa Imika ku xidhan yahay.
Waxa goobjoog u ahaa sooqabashada Madaxii Maaliyadda Kooxda Falaagada Gobolka Awdal ee Suldaan Wabar Taliyayaasha Qaybta Bilayska Gobolka Gabiley iyo qaar ka mid ah Madaxda Sirdoonka Somaliland oo ka qayb qaatay Hawlgalkii Lagu soo qabtay ninkaasi iyo hanaankii loo maray raadcayntiisaba. Waa masuulkii ugu sareeyay ee ilaa imika ay Ciidamada Somaliland ka qabtaan Kooxda uu hogaamiyo Suldan Wabar waxaana muuqatay inuu jiro Hawlgalo hoose oo ay Xukuumadda Somaliland wado oo ay ku ugaadhsanayso Kooxda Suldaan Wabar hogaamiyo oo muddooyinkii dambe u muuqday kuwo qorshahoodu soo gaabtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *