Madaxda Siyaasadda Iyo Dhaqanka Beesha Gobolka Saaxil Oo Mar Kale Istaadhay Qabashada Shirkii Baxarasaafka Iyo Xukuumadda Oo Wali Hortaagan

Hargeysa (Foore) – Madaxda Siyaasada ugu jirta Iyo Golaha Dhaqanka Beesha degta Deegaanka Gobolka Saaxil ee Ciise Muuse ayaa maalmihii u dambeeyay Shirar Gondaha iskula jiray Guryo kuyaala Magaaladda Hargeysa,Waxaana la sheegayaa inay Doorkan ka go’an tahay inay shirkii Baxarasaafka ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala daadisay ay dib u qaban qaabiyaan oo uu si habsami ah u qabsoomo.
Warar Madax Bannaan oo Wargeyska Foore ka helay Qaar ka mid ah Masuuliyiinta ka shaqaynaya hawshani ayaa tibaaxbay in Haldoorka Beesha degta Gobolka Saaxil ay shirar gooni gooni ah iskugu yimaadeen Hargeysa islamarkaana ay isla meel dhigeen inay qabtaan Shirkii Baxarasaafka ee Xukuumaddu saska ka qaaday ee ay ka hor joogsatay inay Qabsadaan Beeshaasi.Wararkan ayaa intaa ku daray in doorkan ay Qaban qaabinta Shirkaasi ka midaysan yihiin dhamaan Siyaasiyiinta,Oday Dhaqameedka,Aqoonyahanka iyo Ururada kale ee Deegaankaasi ka soo jeedaa,waxaana Qaban qaabada shirkani durba labadii cisho ee u dambeeyay laga dareemayay Magaalooyinka Hargeysa,Berbera iyo Burco.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa shirkani hore u mamnuucday Qabsoomidiisa, waxaanay si cad u sheegtay Madaxtooyaddu Mawqifka ay la leedahay shirkaasi,iyadoo wakhtigaasi ku aadanaa fadqalado iyo kacdoono Mudaharaado watay oo reer Berbera kaga soo horjeedeen Wareejinta Dekeda Berbera. Shacabka reer Saaxil ayaa shirkaasi doonaya inay aayahadooda kaga arinsadaan,Waxaanay Xukuumaddu ka shaki qabtaa inuu shirkaasi samaayn ku yeesho mashaariicda horumarineed ee ay Berbera ka wado oo ay dad badan u arkaan mid dano Dawladeed wadata oo aanay Faa’iido ugu jirin Shacabka Deegaankaasi ku abuuran. Dhawaan ayaa la rajaynayaa inuu shirkaasi furmo oo la bilaabo,waxaana hadda socda oo lagu guda jiraa gabo gabada daad guraynta Qalabkii shirkaasi lagu qabanayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *