Search

Madax-Dhaqameedkii Shaqadoodu Noqotay Siyaasadda Oo U Hanqal Taagaya Ka Qayb Galka Kulanka Turkigu Abaabulayo

Siyaasiyiin Walaac Ka Muujiyey Hab-Dhaqanka Turkiga Iyo Salaadiinta Shaqadoodu Nooqtay Fadhi-Ku Dirirka Oo Halis Ku Ah Dawladnimada

Hargeysa (Foore)- Salaadiinta iyo guud ahaan Madax-dhaqameedka Somaliland oo muddooyinkan dambe lagu eedeeyo in ay ku dhex milmeen xisbiyada siyaasadda Somaliland inta badana ka tagay hab-dhaqankii Madax-dhaqmeed ayaa intooda badani hanqalka la soo kaceen soona dhaweeyeen qorshaha xukuumadda Turkigu doonayso in ay isku soo hor-fadhiiso Madaxdhaqameedka Somaliland iyo dhiggooda Soomaaliya.
Wargeyska Foore oo u kuurgalay dareenka Salaadiinta Somaliland qaarkood ku soo dhaweeyeen arrinkaasi Turkigu ka shaqaynayo ayaa ogaaday in intooda badani si weyn ugu qanacsan yihiin ulana dhacsan yihiin in ay doorkaasi qaataan oo ay ka qayb galaan wada hadalo ay isku soo hor-fadhiistaan odayaasha dhiggooda ah ee Soomaaliya.
Inta badan madax-dhaqameedyo aannu wax ka waydiinay arrinkaasi ayaa si cad u sheegay in ay ka qayb gali doonaan haddii Turkigu tallaabadaasi ku dhaqaaqo iyaga oo ku doodaya in aanay wax hantaaqo ah marnaba ku keeni doonin qaddiyadda Somaliland kana shaqayn doonaan wixii maslaxad u ah dalka iyo dadka.
Balse dood kale ayaa arrinkaasi ka soo horjeeda oo dadka qaar qabaan isla markaasina salaadiinta ku eedaynaya in ay kaliya u muuqdaan kuwo ku doonayo in ay fursad ka dhigtaan ay isku muujiyaan doorkooda hogaamineedka ku kobciyaan iyo ugu yaraan dhaqaale faro guudkooda ah oo ay safarkaasi ku helaan.
Dadka qaar siyaasadda Somaliland faalleeyaa waxa ay arrinkan Turkigu waddo ku tilmaameen mid dhibaato weyn ku keenaya qaddiyadda Somaliland si weyna u dhaawacaya karaamadii dawladnimadooda soo dhismaysay 24-ka sanadood.
Dhinaca kale xubno siyaasiyiin ah oo aannu arrinkaasi wax ka waydiinay ayaa tibaaxaya in Somaliland ay ku soo faruurantay mawjad halis ah oo waxyeelo weyn u gaysan karta qaddiyaddeeda iyo dawladnimadeeda iyaga oo waxyeelada arrinkaasi masuuladdeeda dusha u saaraya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyadu ahayd tii furtay in wada hadal lala yeesho wadanka Soomaaliya maantana midhaheedii noqday in odayaal labada dhinac ah la damco in ay isku soo hor fadhiistaan iyada oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin kulamadii tirada badnaa ee ay labada maamul isku hor fadhiisteen.
Walaaca arrinkaasi ayaan ku ekayn siyaasiyiinta balse waxa shacabku maalmihii ugu dambeeyey si weyn isu waydiinayaa qorshaha xukuumadda Turkiga ee wada hadalo la isku soo hor fadhiisyo odayaasha Somaliland iyo kuwa soomaaliya taasi oo si cad Somaliland ugu dhex milaysa arrimaha Soomaaliya ee ay mar walba doodda iyo wada hadaladu ka furnaan jireen ee dunidu dhexdhexaadin jirtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *