Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd Oo Ka Hadlay Cida Lagu Wareejinayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

Hargeysa (Foore)- Salaadiin, Cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda deegaanka gobolka Hawd ayaa ka digay in la majara habaabiyo heshiiskii dhex maray waxgaradka gobolka Hawd iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Salaadiintan iyo cuqaashan oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gudoomiye Cirro uu cid gaar ah ku wareejiyey kursiga hogaanka xisbiga Waddani
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan fariin dheer iyo mid gaabanba uga dirayaa arintii ka soo baxday warbaahinta ee gudoomiyaha xisbiga Waddani ku sheegay inuu gudoomiyaha xisbiga uga kacayo beesha gobolka Hawd, arintaas mar hore oo aanu ka hadalnay waxaanu ku nidhi waanu kaa gudoonay anaga oo dhaqankii gobolka ah, intaas ka dib waxaanu ogaanay inaanay arintu ahayn sidii naloogu sheegay balse ay jiraan kooxo gaara oo shir doceedo waday, arintaasna waanu ka ergaynay oo waxaanu nidhi shir doceedada hala joojiyo, shakhsiyo gaara ayaana hawshaas wadata, markaa waxaanu sheegaynaa in arintaas nalaga ergo diiday aanay ahayn tii aanu ku wada hadalnay hogaanka xisbiga beel ahaan iyo gobol ahaanba, arinkaasna wixi ka yimaada cidii hawshaas fulisay ayaa leh.”
Sidoo kale suldaan Cabdilaahi Laydh oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Markii gudoomiye Cirro sheegay inuu gudoomiyaha xisbiga u banaynayo gobolka Hawd, waxaanu nidhi waxaanu uga tashanaynaa qabiil ahaan dibna waanu isku noqonaynaa, arintaasna rajadeedii aanu sugaynay inaanu qabiil ahaan uga tashano markii aanu isku nimid waxa cadaatay in cid gaar ahi sidatay qoraal lagu siiyey balse aan la siin beesha, waanu ka ergaynay labadii garab, garabkii labaad saaka oo u danbaysay waxaanu nidhi waar noo joojiya, run ahaantiina nalooma joojin waxaana nalagu yidhi waa arin dhamaaday.”
Caaqil Khadar Bacood oo isaguna ka hadlay shirka jaraa, id ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa ““Halkan waxaanu iskugu nimid inaanu ka cadayno arintii hore ee salaadiinta dhaqanka gobolka Hawd ay dadkooda u sheegeen in lagu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Waddani, arintaas mad madow badan ayaa soo galay waxaana si cad u muuqata inaan gobol, beel iyo umad aan waxba la siinayn ee dad gaar ahi ay si wax u mindi roortaynayso.”
Ugu danbayna Jiif Caaqil Axmed Ciise Cumar oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan la qabaa salaadiinta hadal ka soo baxay gudoomiyaha xisbiga Waddani oo uu yidhi kursiga gudoomiyaha xisbiga waxaan uga kacayaa beesha gobolka Hawd, arintaasi waxay ahayd boro bogaando uu cod kaga doonayo beesha ee laakiin aanay wax rasmiya ahayn, salaadiintu way ka gudoomeen waxaana ka xigay in laga soo tashado cida la siinayo iyo sida loo taageerayo taas oo waxba kama jiraan ka noqotay oo uu marka hore-ba cid gaar ah tunka ku sitay.” ayuu yidhi madax dhaqameedkani isaga oo ka hadlayay arrintaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *