Madax-dhaqameed difaacay Wasiirka Macdanta: “Ciddii Madaxweyne Siilaanyo saluugsani yaanay Beesha ku Xad-gudbin

Hargeysa (Foorenews– Boqor Mustafe Xuseen Cali oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa eedayn u soo jeediyay 16 oo dhowaan eedo qabyaalad iyo eex ku sal leh u jeediyay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

 

Boqor Mustafe oo caawa khadka Teleefanka kula soo xidhiidhay mareegaha wararka ee WEEDHSAN ayaa waxa uu xildhibaannadan ku dhaliilay inay ku gefeen xasaanadda xilka qaran ee ay ummadda u hayaan, isla markaasna ay ku dhaqaaqeen tallaabo xasilloonni-darro ka dhex dhalin karta beelaha ood-wadaagta ah ee reer Somaliland.

“Warka suuqu wuxu leeyahay warka Xildhibaannadan waxa wakhtigan ku soo beegay, waxay ka xumaadeen sidii Xaglo-toosiye loo soo dhoweeyay iyo heshiiskii nabadeed ee lala galay. Qaar kalena waxay leeyihiin waxay doonayaan in iyagana lagu qaabbilo gogol u dhiganta tii Xaglo-toosiye. Qaarna waxaabay leeyihiin wax kale ma jiraane, Xildhibaannadu Xaqal-Ciid ayay rux-ruxayaan” ayuu yidhi Boqor Mustafe Xuseen Cali, isaga oo ku dooday in dadku arrimahaas ku falanqaynayeen goobaha dadweynuhu ku kulmo.

Boqor Mustafe waxa oo aannu wax ka weydiinnay inuu qabo in aanu Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wax caddaalad-darro ah ka yeelin qaybinta hawlaha biyaha iyo ceel-qodista Somaliland, ayaa ku andacooday in Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu qaranka wax badan u qabtay, isla markaasna uu beesha ay Xildhibaannadani ka soo jeedaan u sed-buriyay ceelasha biyaha ee dalka laga qoday.

“Wixii eed ah ee la xidhiidha qaybinta biyaha waxa masuul ka ah hay’adda sahaminta dalka qandaraaska lagu siiyay FSU oo lacag badan ku qaadata hawshan, isla markaasna aan la aqoon waxa ay dalka u qabato. Haddii qabyaaladi jirto, hay’addaas ayaa hurisay” ayuu yidhi Boqor Mustafe.

Boqor Mustafe Xuseen Cali waxa uu sidoo kale dhaliil u soo jeediyay madax-dhaqameedyo ka soo jeeda beesha Galbeedka Burco oo 16-kii Xildhibaan ee hore u eedeeyay Wasiirka Macdanta ku ayiday dhaliishaas, isla markaasna ugu marag-furay. “Waa ayaan-darro kale in rag madax-dhaqameed sheeganayaa ay sidaas u hadlaan. Xilka iyo hadalku ha is waafaqo ayaan leeyahay”.

“Xilka Madaxweynaha Siilaanyo Somaliland oo dhan buu hayaa. Waa lagu dhaliili karaa, waana lagu ammaani karaa, laakiin maaha in qofka Siilaanyo diiddani uu beesha Siilaanyo oo dadka uu maamulo uun ka mid ah la dul fuulo hadallo qadaf ah. Ciddii reer Somaliland ah ee Madaxweyne Siilaanyo mucaaradaysa ama saluugsan hoggaamintiisu, yaanay fadlan beeshayada wax ka sheegin ee isaga (Siilaanyo) oo Qaranka oo dhan xil u haya ha isku koobto. Beeshu uma dulqaadan doonto af-xumo uga timaadda ciddii Siilaanyo neceb” ayuu Boqor Mustafe hadalkiisa ku soo afjaray.

Foorenews/HargeysaOffice 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *