Madasha Wadatashiga Oo Kulan Khaas Ah La Yeeshay Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay Muuse Biixi Cabdi, Waxa Laga Wada Hadlay Iyo Dar Daaran Culus Oo La Isku Guntay

Hargeysa, Dec 9, 2017- (Foore)- Madaxda Golaha Madasha Wadatashiga Somaliland ayaa kulan khaas ah shalay la yeeshay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxa ay u gudbiyeen talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan dhinaca dhisida Dawladnimo tayo leh,la dagaalanka Musuq Maasuqqa iyo kobcinta dhaqaale xoogleh oo dalku yeesho,waxa ay sidoo kale talo ku siiyeen inuu soo dhiso Dawlad kooban oo umadda wax u qabata si uu dhaqaaluhu ugu badhxo Dalka.
Waxa kulankaasi Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Madashada Wadatashiga Somaliland Xasan Guure,Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Xubnaha Madasha,iyo Xubno kale oo madasha wadatashiga kawada tirsan islamarkaana kulankaasi goobjoog ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Prof Cabdisalaan Yaasiin,Axmed Ibraahim Xasan iyo qaar ka mid ah Dhalinyarada ka tirsan Madashada Wadatashiga,waxaa kale oo kulankaasi isna joogay Siyaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,waxaanu kulkaasi ka qabsoomay Guriga Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi,iyadoo sida la sheegay si weyn la iskula jeex jeexay dood,araar iyo talooyin islamarkaana saacado badan lawada joogay.
Qoraal kooban oo uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kaga war bixiyay Kulankaasi uu goobjoogga ka ahaa oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga uu kala xidhiidho bulshada ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Kulankaas Oo saacado socday wuxuu isugu jiray tallooyin, dardaaran, duco, iyo dhiirigelin. Madaxweyne Muuse wuu soo dhaweeyey kulankaas iyo tallooyinka daraasaadka watay ee ay odoyaasha Madashu sida waddaninimada leh u soo bandhigeen iyagoo talooyinkaasi kuli kuwada aroorsanaa dhinacyada dhaqaalaha, Adkaynta sharciga, iyo dhisidda maamul dawladnimo oo tayo leh Oo kooban. Si kheyr qabta Oo ay labada dhinacba isku af garteen ayuu kusoo dhamaaday Kulankaaisi. Madaxweynuhu wuxuu ka dalbaday inay saxaan markasta Oo ay arkaan in wadaddii laga leexday wixii talo ahna si toosa isaga ugu soo gudbiyaan”.ayuu qoraalkiisa ku soo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan madaxda xisbiga KULMIYE.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *