Search

Maayarkii Boorama Oo Xilka Laga Qaaday Isaga Oo Maqan Iyo Doorkii Ramaax Ku Lahaa Qorshahan

Boorama (Foore) – Kalfadhi ay shalay yeesheen golaha degaanka Boorama ayaa xilkii looga qaaday Maayarkii Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo Maayar ku Xigeenkiisii isagoo Maayar ku xigeenku isasii Casilay ka hor intaan xilka laga qaadin. Fadhigan ayaa sidoo kale lagu doortay Maayar iyo ku xigeen cusub. Fadhigaasi golaha degaanka Boorama ay Shalay yeesheen ayaa waxa ka soo xaadiray 18 xildhibaan, Badhasaabka Awdal iyo sharci yaqaan ka socday wasaaradda daakhiliga Somaliland kaasi oo aad u xasaasi ahaa balse aanu ka soo qayb galin maayarkii xilka laga qaaday. Golaha degaanka ayaa dood ka yeeshay mooshinka xilka lagaga xayuubiyay duqa Boorama, waxaana kadib loo qaaday cod, iyadoo 18-ka mudane ee goobta joogayba u codeeyeen in xilka laga qaado Maayar Saleebaan Xasan Xaddi, waxaana isagoo isla goobta uu isku casilay ku xigeenkii hore. Intaas kadib ayaa goluhu guda galay doorashada Maayarka cusub, waxaana u tartamay 5 mudane,balse waxa ku guulaystay maayarka Boorama inuu noqdo Xildhibaan Xasan Maydhane oo helay 13 cod oo ka mid ahaa 18 ka xildhibaan ee goobtaasi fadhiyay Shalay. Intaas kadib ayaa sidoo kale 5 xildhibaan u tartameen inay noqdaan ku xigeenka Maayarka Boorama,waxaana ku guulaystay Xildhibaan Cumar Illeeye. Waxaana kulankaasi afmeeray badhasaabka Awdal oo ku dhawaaqay Masuuliyiinta cusub ee degmada Boorama ee golaha degaanka hogaamin doona.Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa golaha degaanka hogaaminayay tan iyo sanadkii 2012-ka oo ahaa markii la doortay goleyaasha deegaanka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *