Search

Maayarka Lughaya Oo Ka Hadlay Dhallinyaro Laga Baajiyay Safar Siyaasadaysan Oo Ay Ku Tagayeen Xeebta Ceelsheekh ee Gob. Hargeysa

Boorama (Foore)- Maayarka degmada Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood oo ku sugan magaalada Boorama ayaa shalay warbaahinta uga waramay arrimo ku saabsan dhalinyaro dalxiisayaal ah ay ciidamada amnigu ka hor istaageen inay tagaan degaanka xeebta ah ee Ceel-sheekh ee Gobolka Hargeysa, waxaana uu maayar Dixood oo arrintan ka warramaya uu yidhi: “Horta waad ogtihiin oo dalka Somaliland waa dal mid ah meelkasta oo uu qofku rabo in uu u dalxiis tagana waa tagi karaa ha ahaato Ceel-sheekh ama Ceerigaabo ama meel kalaba, balse waxa meesha ku jira ee masuuliyadi naga saran tahay waa amniga iyo in la ilaaliyo karaamada qaranimada, waxa aan leeyahay dhalintaas aan ka horjoogsanay Ceel-sheekh tagideedu waxa ay ahaayeen kuwo caan ah oo gobolka iyo degmadii ay ka yimaadeen ee Boorama iyo dalkaba laga yaqaan oo la magic baxay GURMAD, ururkaas gurmad waa urur dhalinta ku jirtaa ay ku sifowday inay ka hadasho oo ku dhex milanto arimaha siyaasada, waana xaqiiq in xubno ka tirsan ururkaas marar dhawr ah loo xidhxidhay arimo amniga wax u dhimaya oo ay faraha kula jireen, sidoo kale You-tube-ka iyo baraha kale ee bulshada hadii aad dib u baadho waad ka soo helaysaa muuqaalo ay duubeen oo ay siyaasad kaga hadlayaan, ku taageerayaan kooxo kale, kana tarjumaya mawqifka uu ururkaas la magic baxay GURMAD ee ay ka tirsan yihiin uu u taagan yahay”. Maayar Dixood oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Mar haddii waxa meesha marayay aanay ahayn dhallin dalxiisayaal ah ee ay ahaayeen dad siyaasiyiin ah, maadaama lagu gudo jiro maalo farxadeed oo ciid ah, maadaama masuuliyiintii degmadu ay fasax ku jiraan lana lana ciidayaan eheladooda, waxa uu noola muuqday safarka dhalintaasi GURMAD mid siyaasadaysan, oo bulshada lagu kala fogaynayo, isla markaana xambaarsan afkaaro fogaaday oo aan loo baahnay in lagu dhex talaalo dadka walaalaha ah ee reer Lughayaad, sidaas ayaan u qaadanay inaan baajino, iyagana u sheegno in ay iska laabtaan ama Lughaya oo ay joogaanba ku ciidaan oo soo dalxiisaan”. Maayar Dixood ayaa waxa uu ugu dambayntii ganafka ku dhuftay warar uu sheegay in dhalinyaradaas GURMAD ay baraha bulshada ku baahiyeen oo uu ku tilmaamay mid la buunbuuniyay waxana uu yidhi: “Wax walaba oo ay shabakadaha u sheegeen waa wax ay ku majaro habaabinayaan bulshada oo ay rabaan inay qiil ugu helaan ololahiida siyaasada fog ay ka dambayso, in ay siyaasiyiin yihiin oo aanay dalxiisayaal ahayn taas u dambaysay ayaa astaan u ah, sidaas aawadeed waxa aan dhalinyaradaas ku waanin lahaa in ay dalkooda wax-waxan dhaama oo wax tar ah u qabtaan, si ay taariikhda meel fayoow uga galaan.
Deegaanka Ceelsheekh ee Gobolka Hargeysa ayay kooxdani ku sheegeen deegaan Gobolka Awdal ka tirsan oo ay ujeedooyin siyaasadaysan u doorteen in ay ku tagaan iyaga oo soo abaabulay dhallinyaro lagu sheegay in ay dalxiis deegaankaasi u tagayaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *