Maayarka Lughaya Oo Ka Hadlay 2 Qof Oo Baro-Kaceyaal Ah Oo Ku Dhintay Gar-Gaara

Boorama(Foore)-Maayarka degmadda Lughaya ee gobolka Awdal Cabdilaahi Cali Aw-nuur, ayaa sheegay in laba qof oo ka mid ah barkaceyaal degan tuuladda Gar-gaara ee degmadda Lughaya ay geeriyoodeen sababo la xidhiidha nolosha adag ee ay ku nool yihiin, waxaanu baaq qeyblo dhaan ah u diray xukuumadda iyo Hay’adaha samo-falka.

Maayarka Lughaya waxa uu si adag uga dayriyay xaaladda nololeed ee bulshadda baro-kaceyaasha ah ee tuuladda Gar-gaara oo beryahanba walaac laga muujiyay.

Maayarka oo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “ Laba qof oo waawayn Alle Ha U Naxariistee Cabdi Ibraahim Axmed iyo Xaawa Idiris Qayaad ayaa ku geeriyooday Gargaara, Allle Ha U Naxariistee labadan qof, waa ay daranyaysnaayeen ha noqoto dhinac cuno, cabid iyo adeeg caafimaad, waxana ay qayb ka yihiin barakacayaal badan oo ku sugan Gargaraara oo xaalkoodu yahay mid aad u adag, dayac badana uu ka muuqdo, una muuqda in la iloobay”.

Maayar isaga oo sii faahfaahinaya xaalada barakacayaasha Gargaara iyo guud ahaan degmada waxa uu yidhi “ 2 Sano iyo dheeraad ayay dadkaasi barakacsan yihiin, bilawgii marka laga reebo ma jirto wax gargaar ah oo soo gaadhay, biyohu way ku yaryihiin mana aha nadiif, caafimaadku waa liitaa, Hal MCH ayaa ku yaala halkaasi kumana filna adeega loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadkaasi barakacsan, ma jiraan wax gargaar ah oo bilihii udambeeyay soo gaadhay, xaalkooduna waa mid dayacan oo la iloobay una baahan waxkaqabasho degdeg ah.

Maayarka Lughaya waxa kale oo uu ka dayriyay gaadiid la’aanta dhinaca caafimaadka ah ee ka jirta degmada waxana uu yidhi “ Lughaya waa degmo balaadhan, dadbadan oo barakacayaal ah ayaa ku sugan, nafaqadaro dumarka iyo caruurta haleeshayna way jirtaa waxa intan u dheer Abeeso faro ba’an ku haysa dadka waqtiga kulaylka ah, sidaas oo ay tahay qofka dhaawacma ma haysano gaadiid Amblance ah oo aan ku soo qaadno kuna soo gaarsiino goobaha dhakhaatiirta ah, sidaasi aawadeed waxa aan codsanaynaa in baabuurkaasi loogu yabooho degmada.

Maayarku waxa uu qaylo dhaan ka diray xaalka Barkacayaasha Lughaya waxana uu yidhi “Waxaan mar labaad u jeedinaynaa baaq gudida abaaraha ee Awdal, xukuumada, hayadaha caalamiga ah iyo qurbojoogaba waxaanan leeyahay dadkaasi barakacayaasha ahi way dhiban yihiin ee dib ha loo soo eego, hana la soo gaarsiiyo gargaar dhab ah oo wax ka tara dhibta haysata gabi ahaanteedba.

Lughaya waxa ay ku abtirsataa degmada ugu balaadhan baaxad ahaan G/Awdal, xaalka sidan ah ayaa waxa ku lamaan jid xumo baahsan iyo gaadiid la’aan dhinaca caafimaadka ah oo inta badan qasaaraha ka dhashaa uu dugsado dadka iyo maamulka degaanka, dhacdadiiugu dambaysayna waxa ay ahayd bishii tagtay markii baabuur shil ku galay Lughaya oo gaysay markii hore dhaawac, la waawayay wax lagu soo qaado, intii aanu soo gaadhin gaadiid ay ka dalbadeen Boorama-na ay qaar ka mid ah dhaawacii geeriyoodeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *