Maayarka Berbera Oo Si Kedis Ah Uga Dhex Toosay Kulan WADDANI Ku Lahaa Huteel Hargeysa Kuyaala Iyo Weedho Aan Laga Filayn Oo Ka Soo Yeedhay

“Anigu Xisbiga Ayaan Ahay, Ucid-Na Inaadeerkay Ayaa Ka Sharraxan, Kulmiye-Na Wada Shaqayn…”

Hargeysa (Foore) – Maayarka Golaha Deegaanka,Ahna Duqa Magaaladda Berbera Cabdishakur Maxamuud Cidin ayaa si kedis ah uga dhex toosay Kulan qado ah oo ay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Doraad ku yeesheen Huteelka Ambassador ee Konfurta Magaaladda Hargeysa,Waxa loo dhiibay Microfoonkii la wareejinayay,Waxaanu goobtaasi ka sheegay badheedhihiisa iyo Xisbiga uu taageersan yahay,isagoo carabka ku adkeeyay Wada shaqaynta uu la leeyahay Saddexda Xisbi siyaasi.
Kulankan oo qado ahaa islamarkaana uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland,Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro u sameeyay Haldoorkii Xisbigaasi ku soo biiray dhawaan ayaa sida la sheegay Wakhti uu gabo gabo ahaa kulanku oo hadalo laga jeedinayay waxa si kedis ah albaabka uga galay Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin oo isaguna kulan kale huteelkaasi maalintaasi ku lahaa,waxa markii uu albaabka ka soo galay makrafoonka afka galiyay oo u dhiibay Qofkii Makarafoonka qaybinayay ee hadalka u kala horayay siyaasiyiinta WADDANI. Ka hor intaanu u dhiibin Waxa uu wiilkaasi Munaasibada Xidhiidhinayay ku ganay Kalmado kaftan ah Maayarka Waxaanu ku yidhi “Waxaan makarooka ku soo dhawaynayaa Maayarkii Berbera oo inoo soo galay,Lacagtii uu KUlmiye ugu yaboohayna,inagan Ha inasiiyo eh”,intaa kadib dadkii Munaasibada joogay ayaa soo wada Qooraansiyay Maayarka islamarkaana aad ula dhacay Badheedhihiisa.
Maayar Cidin ayaa aad ugu mahadnaqay Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI ee Kulankaasi joogay,waxa uu Carabaabay saddexda Xisbi Siyaasi ee dalka ka dhisan,Waxa uu si kaftan leh u sheegay inuu ka mid yahay Taageerayaasha Xisbiga WADDANI,Waxa uu sheegay inuu Xisbiga UCID ka sharaxan yahay Inaadeerkii,Waxa sidoo kale uu intaasi raaciyay in Xisbiga kulmiye ay wada shaqayni ka dhexayso ee aanu taageersanayn. Waxa hadaladii uu kulankaasi ka yidhi ka mid ahaa ““Anigu Xisbiga WADDANI Ayaan Ahay,UCID-na Inaadeerkay Ayaa Ka sharaxan, Kulmiye-Na Wada Shaqayn Ayaa Naga Dhexaysay,Lacagta aad sheegaysaana soo doonta,waan idinsiine”. Maayar Cidin ayaa ka mid ahaan jiray Taageerayaashii Xisbiga WADDANI waqtigii la aasaasay,balse waxa uu markii dambe u digo rogtay Xisbiga UCID oo uu Xildhibaanadii tartankii Golayaasha Deegaanka ka soo baxay,Waxaanu imika ka mid yahay oo ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye oo uu danihiisa iyo Kursigiisa ku ilaalashado.
Sikastaba hanoqotee,Maayar cidin ayaa dhawaan Xisbiga Kulmiye ugu yaboohay Lacag xadigeedu badan tahay,Taasi oo falan qayn badani ka dhalatay,islamarkaana lagu sifeeyay Lunsiga hanti qaran iyo ku takrifal Maaliyadeed,taas oo uu ka haley Xilka Qaranka uu u hayo,balse maruu ka hadlay waxa uu sheegay inuu jeebkiisa khaaska ah iyo Hantida Qoyskiisa uu ka bixinayo lacagtaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *