BREAKING NEWS
Search

Maareeye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Madbacada Qaranka Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa (Foore) – Maareeye ku xigeenka cusub ee maddbacada qaranka Jaamac Cabdi Cabdiraxmaan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ka dib markii uu duruufo isaga u gaar ah iskaga casilay Maareeye Ku xigeenkii hore Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa si rasmi ah ugala wareegay xilkii maareeye ku xigeenka Maareeyaha hMadbacada qaranka Md. Cali Siciid Raygal
Maareeyaha madbacadda qaranka Cali Siciid Raygal oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan maareeye ku xigeenka madbacada qaranka Md Jaamac Cabdi Cabdiraxmaan oo uu dhawaan Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay inuu noqdo maareeye ku xigeenka Madbacada.
Cali Siciid Raygal oo xaflada ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan halkan ku soo dhaweynayaa oo aan xilkiii Maareeye ku xigeenka ku wareejinayaa Jaamac Cabdi Cabdiraxmaan oo uu Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay inuu noqdo Maareeye ku xigeenka madbacadda qaranka ka dib markii uu baneeyey jagadan maareeye ku xigeenkii hore Mustafe Cabdi Ciise oo duruufo isaga u gaar ah awgeeed u gudan waayay xilkani.”
Md Raygal waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan leeyahay Jaamac ku soo dhawoow xilkan oo ah mid daruuri ah oo hawl badanina ay taallo una baahan dhabar adayg” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xilkii marka hore wuu sino dhuuban yahay laakiinse marka danbe hawshiisa ayuu yeeshaa, dabcan waxaan kalsooni ku qabaa inuu Jaamac yahay nin ka soo bixi kara xilkan iyo waliba hawsha culus ee hortaala ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu u fududeeyo kuna asturo.”
Maareeye Cali Siciid Raygal waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa farxad ii ah in nin karti badan oo aan aqoon badan aan u leeyahay oo aanu saaxiib nahay la ii keenay Maareeye Cali Siciid Raygal taasi waa ii farxad gooniy a, waxaanan mar kasta Ilaahay ka beryayaa in Ilaahay igu asturo oo uu ii fududeeyo,”ayuu yidhi Maareeye Ku xigeenka cusub ee Madbacada qaranku.
Maareeye ku xigeenka cusub ee madbacadda qaranka Jamac Cabdi Cabdiraxmaan oo xafladaasi hadal ka soo jeediyey ayaa ugu horeyn u mahadnaqay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi “Waxaan ugu horeyn u mahadnaqayaa Madaxweynaha, kolay aniga waxa ka kaliya ee ii banaani waaa mahadnaq, hawshana waxa tilmaamay Maareeyaha sida uu sheegayna xilku waa mid culus oo mas’uuliyadiisa leh.”
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md Cabdi Siciid Faahiye iyo agaasimaha guud ee madbacada Qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *