Search

Maamulka Muqdisho Oo Waji Gabax Kala Kulmay Dalka Britain Kadib Markii Genel Energy Sheegtay In Ay Sahamintii Shidaal Ka Bilaabayso Somaliland

Qoraal Ka Soo Baxay Shirkadda Genel Energy Oo Ka Nixiyey Muqdisho Sheegayna In Shirkaddu Bilaabayso Sahamintii Oodweyne Iyo Xeebaha Somaliland

London (Foore)- Wakaaladda Wararka ee Ecofn Agency ayaa daabacday warbixin rasmi ah oo ay ka diyaarisay shirkadda Shidaalka ee caalamiga ah ee Genel Energy oo sheegtay in ay si degdeg ah Somaliland uga bilaabayso sahamintii shidaal ee ay hore u hakisay iyada oo aan wax talo ah marnaba ka waydiin maamulka Muqdisho ee Soomaaliya ee sheegta magaca wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya iyada oo warbixintaasi lagu sheegay in shirkaddani sahamin shidaal oo degdeg ah ka bilaabi doonto Gobolka Togdheer gaar ahaan deegaanka Gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, iyo waliba Xeebaha Somaliland qaybo ka mid ah.
Warbixinta ay baahisay wakaaladda Ecofn Agency waxa kale oo lagu sheegay in shirkadda Genel Energy ixtiraamayso heshiiyadii ay hore ula gashay Somaliland arrinkaasi oo ka cadhaysiiyey maamulka Xukuumadda wadanka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo warbixin shirkaddu ka soo saartay Caasimadda wadanka Ingiriiska ee London balse lagu baahiyey xarunteeda Jersey ku sheegtay in ay toddobaadkan shirkaddu hakisay sahamin shidaal oo ay muddo ka wadday qaybo ka mid ah wadanka Marooko ee Woqooyiga Afrika ku yaalla kadibna ay si degdeg ah u bilaabi doontio sahamintii ay ka wadday wadanka Somaliland gaar ahaan Boloogga (Block) agagaarka Degmada Oodweyne iyodoo ay si degdeg ah u bilaabi doonto sahamintiisa.
Warbixinta wakaaladdani qortay waxa lagu sheegay in shirkadda Genel oo saamigeeda ugu badan ay leeyihiin ganacsato Ingiriis ahi ay doonayaan in ay ka libin keenaan shidaal si weyn loogu tuhmayo in uu ku jiro deegaammo ka mid ah Somaliland oo ay dhawr sano ka hor sahamin ka bilawday balse ay hakisay, iyada oo khabiir shirkadda u hadlay sheegay in ay shirkaddu rajo weyn ku qabto in shidaal laga soo saaro Somaliland.
Warbixintan waxa lagu sheegay in dawladda Muqdisho walaac ka qabto go’aanka dawladda Ingiriiska iyo shirkaddani ku adkaysanayaan in ay si madax bannaan hawlaheeda uga wadato Somaliland iyada oo wajiga labaad ee sahamintaasi ay shirkaddani ka bilaabi doonto goobo kale oo qorshuhu yahay sida uu dhigayo heshiiska u dhaxeeya dawladda Somaliland iyo shirkadda Genel Energy.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *